Home > TFG Somalia, WARARKA > Qaxootiga Soomlida ee ku sugan Tunisiya oo cabanaya

Qaxootiga Soomlida ee ku sugan Tunisiya oo cabanaya

Monday, March 21, 2011

Laaska News Monday, 21 March 2011  
(RM.March 20) -Qaxootiga Somaaliyeed ee dhawaan gaaray dalka Tunisya ayaa walaac ka Muujiyay suurta galnimada in Hay’ada Qaxootiga adduunka U.N.H.C.R ay u daad gureyso wadamo nabad ah, kadib markii ay soo wajaheen caqabado Arintaa la xiriira.

Qaxootiga Soomaalida ah ee ku jira xerada Qaxootiga Shuush ee dalka Tuniisaya oo isu diyaarinayay in loo qaado wadamada Yurub ama Mareeykanka kadib markii ay qaabishay Hey;ada Qaxootiga Aduunka ee UNHCR, ayaa caqabad u arka kooxo wadaado ah oo qaarkood laga soo daayay xabsiyada dalka Tuniisaya kacdoonkii kadib oo bilaabay in si Mutadawacnimo ah Soomaalida ugu qeybiyaan raashin iyo lacag,  iyagoo haweenkana u qeybiya xijaabka ay xirtaan.

Kooxahan ayaa dhalinyarada Soomaaliada ah ee ku jira xeradaasi ka dhaadhiciya in ay ka tanasulaan damaca ah in  Yurub loo qaado,  iyagoo taa bedelkeeda ugu baaqa in ay u hayaan shaqooyin wanaagsan.

Arintani ayaa walaac ku beertay Qaxootiga Soomaaliyeed ee ku suga xeradaasi, oo u arka in kooxahani ay caqabad ku noqon karaan barnaamijka loogu qaadayo wadamada Yurub ama Mareeykanka.

Boqolaal Qaxooti Soomaali ah oo ka cararay dalka Liibiya ayaa gaaray xerada Qaxootiga Shuush ee dalka Tuniisaya, iyadoo Hey’ada UNHCR ay diwaan gelisay dadkaasi, iyagoo rajeeynaya in loo qaado wadamada Yurub ama Mareeykanka.
RM.
Laaska News.

www.laaska.wordpress.com