Home > TFG Somalia > Somalia:Askar la xakumay

Somalia:Askar la xakumay

Monday, March 21, 2011

Laaska News Monday, 21 March 2011  
Muqdisho (RM) – Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee dowladda KMG Soomaaliya ayaa maanta xakunno kala duwan ku riday ilaa iyo 5-askari oo ka tirsan ciidamada Xoogga dalka, kuwaasi oo lagu soo eedeyey in ay geysteen falal ka baxsan sharuucda ciidanka qalabka sida oo ay ka mid ahayd dhac iyo boob ay u geysteen dad ku nool degmooyinka Waaberi iyo X/jab jab, waxaana maxkamadda horteeda laga caddeeyey in ay 5-taasi ay askari ay isku dheceen ciidamo madani ah oo ka howlgala labadasi degmo.

Dood dheer ka dib Guddoomiyaha maxkamada Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya G/sare Xasan Xuseen Mungaab ayaa Maxkamadda horteeda ka sheegay in markii Maxkamaduu ay eegtay eedeymaha uu soo gudbiyey xeer ilaaliyaha maxkamadda ciidanka qalabkasida ee ku xusneyd qodobada 103, 104 iyo 186-aad ee xeerka ciqaabta ciidamada, islamarkaana ay maxkamadu eegtay in ay si amar la’aan ah shaqadooda uga tageen, ayna caddaatay in ay falal ka baxsan ciidamadu gacanta kula jireen ay ku caddahay in ay geysteen dambiyo.

G/sare Xasan Xuseen Mungaab ayaa xusay in dable C/qaadir Max’ed Cismaan lagu xakumay 5-sanno oo xarig ciidan ah lagana rabo in uu dib u soo celiyo qorigii uu ka lunsaday dowladda, waxaaan uu intaa ku daray in eedeysanayaasha kala ah, Anwar Max’ed Jaamac, dable Xasan Max’ed Nuur dable C/laahi Cismaan Aadan, dable Cali Max’ed Axmed lagu xakumay min labo sanno oo xarig ah.

Sidoo kale waxaa isla goobta xakunkaasi ka dhacaysa ka hadlay abaan duulaha ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed Janaraal C/kariin Yuusuf Aadan dhago badan ayaa sheegay in talaabadasi ay tahay mid muujineysa in dadka aan si gar darro ah loo dili Karin, islamarkaana aan loo boobi karin hantida shacabka meel kasta oo ay joogaan.
RM.
Laaska News.

www.laaska.wordpress.com