Home > PUNTLAND, TFG Somalia > Somalia:Nabaddoon xalay lagu dilay Gaalkacyo

Somalia:Nabaddoon xalay lagu dilay Gaalkacyo

Monday, March 21, 2011

Laaska News Monday, 21 March 2011  
Galkacyo (RM) – Kooxo hubeysan ayaa xalay waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug dil ugu geystay nabaddoon caan ka ahaa gobolka Mudug,  iyadoo Ciidamada maamulka Puntland  ay wadaan howlgallo lagu baadi goobayo ciddii ka danbeysay falkaasi.

Magaalada Gaalkacyo ayaa lagu soo waramayaa in habeenkii xalay ay Laba nin oo Bastoolado ku hubeeysnaa ay ku dilleen Nabadoon lagu magacaabi jiray Xuseen Cali Dude, xilli uu ka soo baxayay Masjidka Ramadaan oo uu ku soo tukaday Salaadii Cishaha.

Ciidamada Ammaanka ee maamulka Puntland ayaa wada howlgallo la xiriira dilka Nabaddoonka in kastoo aan la sheegin cid loo qabtay falkaasi.

Kooxo Bistoolado ku hubeysan oo aan la garan ayaa hore magaaladaasi ugu dilay Saraakiil, Nabadoonno iyo dad kale oo magac ku lahaa bulshada dhexdeeda.
RM.

.
Laaska News.