Home > TFG Somalia > Somalia:R/wasaare Farmaajo oo ka hadlay qalalaasaha ka taagan Liibiya

Somalia:R/wasaare Farmaajo oo ka hadlay qalalaasaha ka taagan Liibiya

Monday, March 21, 2011

Laaska News Monday, 21 March 2011 
Muqdisho (Laaska News) – Xukuumadda KMG ah ee Soomaliya ayaa sheegtay in dowladda Masar ay ka ogolaatay in dalkeeda ay si nabad ah ku soo galaan Soomalida ka soo firxaneysa qalalaasaha ka taagan dalka liibiya, iyadoo sheegtay dowlada Somaliya in ay ka xuntahay dhibaatada ka jirta dalka liibiya.

R/wasaare Maxamed C/llaahi Farmaajo oo maalin ka hor dalka dib ugu soo laabtay ayaa ka hadlay dhibaatada ka taagan dalka Liibiya, isagoo tilmaamay in Shacabka Liibiya ay xaq u leeyihiin in ay bedelaan Xukuumadda iminka jirta ayna doortaan Xukuumad ka talisa aayahooda, isagoo sheegay in dowladda Soomaaliya ay taageersantahay Shacabka Liibiya.

Sidoo kale R/wasaare Farmaajo ayaa muujiyay sida ay dowladdu uga xuntahay dhibaatada soo gaartay Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku sugan dalkaasi, waxa uuna tibaaxay in dowladda Masar ay ogolaatay in muwaadiniinta Soomaalida ah ee ka soo cararaya dalka Liibiya ay xadkeeda u furto soo dhaweeyn wanaagsanna u sameeyso.

hadalka R/wasaaraha ayaa imaanaya xilli dowladda Soomaaliya ay dadaal dheer ugu jirto sidii dadka Soomaalida ah looga daadgureeyn lahaa dalka Liibiya iyadoo codsiyo u kaladirtay wadamo ka mid ah Caalamka.

RM.
Laaska News.

www.laaska.wordpress.com