Home > TFG Somalia > Somalia:Wasiirka Gaashaandhigga oo ka warbixiyay kulankii ka dhacay Adis Ababa

Somalia:Wasiirka Gaashaandhigga oo ka warbixiyay kulankii ka dhacay Adis Ababa

Monday, March 21, 2011

Laaska News Monday, March 21 2011  
Muqdisho (RM.20 March) -R/wasaare ku xigeenka ahna Wasiirka Gaashaandhigga ee Xukuumadda KMG Soomaaliya Mudane C/xakiin Max’uud Xaaji Fiqi iyo wafdi uu hoggaaminayo oo maanta dib ugu soo laabtay dalka ayaa   Radio Muqdisho uga warbixiyay waxyaabihii ka soo baxay shirkii 17-kii bishan ay ku yeesheen Wasiirada Gaashaanigga ee dalalka Burundi, Uganda, Jabuuti, Geni iyo Siralyoon  magaalada Adis Ababa ee xarunta dalka Ethiopia.

Mudane C/xakiim Max’uud Xaaji Fiqi ayaa tilmaamay in shirkaasi uu goob joog ka ahaa ergeyga gaarka  ah ee Q/midoobay u qaabilsan Soomaaliya Augustine  Mahiga iyo xubno kale oo ka socday beesha Caalamka, waxaana uu xusay in intii uu socday shirkaasi looga hadlay sidii loo kordhin lahaa tirada  ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika ee haatan ka howlgalaya gudaha Soomaaliya.

“Ilaa iyo hadda waxaan ognahay in ciidamo cusub ay soo dirayaan wadammada Jabuuti iyo Genni, halka dowladda Siraliyoon-na ay ka mid tahay waddamada Ciidamadooda ugu yahoobay Soomaaliya kuwaasi oo aan fileyno in  ay yimaadaan Muqdisho si ay qayb uga noqdaan kuwa Midowga Afrika ka socda ee Howlaha Nabad ilaalinta ah u jooga,” ayuu yiri Mudane C/xakiin wasiirka gaashaandhigga ee Soomaaliya.

Dhinaca kale wasiirka ayaa hoosta ka xariiqay intii uu ku sugnaa magaalada Adis Ababa ee xarunta dalka Ethiopia uu kulamo la qaatay madaxda dalkaasi oo uu ugu horeeyo R/wasaaraha Ethiopia Males Zanawi, R/wasaare kuxigeen ahna Wasiirka arrimaha dibadda, dhigiisa Gaashaandhiga iyo Taliyaha Ciidamada Militeriga ee dalka Ethiopia ayna ka wada hadleen xaaladda Soomaaliya, isagoo intaa ku daray in ay isla meel dhigeen waxyaabihii ay dhammaan ka wada hadleen madaxda dalkasi .

Dadaalkaan  ayaa ku soo aadaya xilli Ciidamada qalabka sida ee dalka oo taageero ka helaya ciidamada Nabbad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM ay guulo la taaban karro ka soo hooyeen howl galladii ay dhawaan ka fuliyeen qaybo ka mid ah degmooyinka Gobolka Banaadir iyo gobollada dalka.
 
RM.
Laaska News.

www.laaska.wordpress.com