Home > TFG Somalia, WARARKA > Xaaladda Soomaalida Libiya

Xaaladda Soomaalida Libiya

Monday, March 21, 2011

Laaska News Monday, 21 March 2011 
Tripoli (RM) – Safaaradda Soomaaliya ee Libiya ayaa ka warbixisay xaaladda Soomaalida halkasi ku dhaqan

Siihayaha safaaradda Soomaaliya ee Libiya C/qani Xasan Waceys oou warramay Radio muqdisho ayaa hoosta ka xariiqay in Soomaalida ku nool dalkasi ay xilligan la soo daristay xaalado nololeed oo aad u liita, kadib markii uu tilmaamay in ay saameysay duqeymaha cirka iyo dhulka ah ee labadii maalin la soo dhaafay ka taagneyd dalkaasi.

C/qani ayaa xusay in dadka intooda badan ay ku xareysanyihiin guryahooda, islamarkaana aysan awoodin in ay bannaanka waxyaabo ay ka soo iibsadaan, waxaana uu intaa ku daray in aysan jirin wax dhimasho iyo dhaawac oo Soomaalida dalkasi ku nool ka soo gaartay duqeymaha.

Sidoo kale Farxaan Max’ed Cabdi oo ka mid ah Soomaalida ku nool magaalada Tripoli ee xarunta dalka Libiya ayaa sheegay in tan iyo markii ay bilawdeen kacdoonka ka taagan dalkaasi ay soo wajahday tii ugu xumeyd ee soo marta Soomaalida halkasi ku dhaqan, waxaana uu ka codsaday Dowladda KMG Soomaaliya in ay gacan ka geysato sidii loo bad baadin lahaa muwaadiniinta Soomaaliyeed ee dalka Libiya ku xaniban.
RM.
Laaska News.

www.laaska.wordpress.com