Home > Baargaal, WARARKA > Baargaal – Mashaariic Horumarineed Oo La Dhagax Dhigay Degmada Baargaal – SAWIRRO

Baargaal – Mashaariic Horumarineed Oo La Dhagax Dhigay Degmada Baargaal – SAWIRRO

Tuesday, March 22, 2011

Laaskja News March 22,2011.

Baargaal(Somalia) – Masuuliyiin Isugu jira Siyaasiyiin  , Aqoonyahano  , Qurbo Joog iyo Ganacsato u dhashay Degaanka raas Casayr  oo uu wehelinayo Gudoomiyaha Degmada Baargaal  Mudane Axmed Maxamuud yuusuf (Axmed Guray )ayaa waxay dhagax dhigeen  Mashaariic badan oo horumarineed oo la damacsanyahay in laga hergaliyo Degmada Baargaal.

Mashaariicdan oo Ay kamid yihiin , Mashaariic Xaga waxbarashada Ah, Caafimaadka , iyo amniga.

.

 

.

.

Ugu Horayntii Waxaa La Dhagax Dhigay Dhulkii Loo Gartay In Laga Dhiso
Jaamacada Bilaal Axmed  oo Ku Fadhida Dhul Dhan 100 m x 100 m, iyo Iskuulka Sare ee Asad oo asna ku Fadhiya Dhul Intaa La Cabir Ah.

.

.

Markaa Kadib Waxaa La dhagax Dhigay  ,Guryihii dawlada Hoose ,
Saldhigii Police-ka , Xabsigii Degmada oo Asaga Laga Hirgalinaayo
Hadir Dheere .

Gabagabadiina waxaa la Dhagax dhigay , Cusbataalka Degmada , iyo
Garoonkii Degmada Baargaal oo horay aan garoon u lahaan jirin.

.

Baargaal City

.

.

Dhawaanahan Waxaa ka socday Dadaalo lagu dhiirigalinaayo Ganacsatada
Degaanka In ay Maalgashadaan mashaariicda Horumarineed ee Degaanka ,
ayadoo uu todobaadkii Hore Lagu Soo Gabagabeeyay  Degmada Baargaal
Shirwaynihii Guud ee Wadatashiga , Nabada iyo Horumarinta Degaanada
Calbari Iyo LaasoSurad.

  .

.

 

.

 

.

.

.

Dhinaca Kale Waxaa Isaga Baxay Magaalada Baargaal  Dhamaan
Burcadbadeedii Kadib Markay Dhamaatay Muhladii Loo qabtay inay Uga
Baxaan Magaalada oo Ku ekayd Shalay 21/3/2011.

.

This slideshow requires JavaScript.

.
Maxamed Ibrahim Axmed
Baargaal.

 .

Laaska News.

 .

www.laaska.wordpress.com