Home > PUNTLAND, TFG Somalia > Somalia:Puntland oo xoogga saareysa amniga Galkacyo.

Somalia:Puntland oo xoogga saareysa amniga Galkacyo.

Wednesday, March 23, 2011

Laaska News March 23,2011

Gaalkacyo (RM) -Maamulka Puntland ee Gobolka Mudug ayaa sheegay in ay wax ka qabanayaan ammaan darrida ku soo laablaabatay deegaannada uu maamulkasi ka taliyo.

Guddoomiyaha Gobolka Mudug ee maamulka Puntland Axmed Cali Salaad oo maanta shir jaraa’id qabtay ayaa sheegay in ciidamada ammaanka ee maamulkaasi ay wax weyn ka qaban doonaan falalka ammaan darrida ah ee maalmihii la soo dhaafay ku soo badanayay deegaannada waqooyiga Galkacyo.

Axmed Cali Salaad ayaa hoosta ka xariiqay in ay gacanta ku soo dhigi doonaan dadka lala xiriirinayo falalka ammaan darrida ah in ay ka wadaan deegaanka, islamarkaana ay soo taagi doonaan maxkamad si caddaaladda loo marsiiyo.

Ugu danbeytii Gudoomiyaha Gobolka Mudug ee maamulka Puntland ayaa ugu baaqay culumaa’udiinka. Odoyaasha dhaqanka iyo waxgaradka ku nool waqooyiga magaalada Galkacyo in ay gacan ka geystaan sugidda ammaanka, ayna la shaqeeyaan ciidamada nabadgelyada si ay u yaraato waxyaabaha qal qal ku abuuri karra amniga.

RM.

Laaska News.

www.laaska.wordpress.com