Home > TFG Somalia > Soomaaliya – Wasaaradda Beeraha oo kontorol ku sameyneysa Qudaarta la dhoofiyo

Soomaaliya – Wasaaradda Beeraha oo kontorol ku sameyneysa Qudaarta la dhoofiyo

Wednesday, March 23, 2011

Laaska News March 23,2011

Muqdisho (RM) – Wasaaradda Beeraha iyo Xannaanada Xoolaha ayaa sheegtay in ay sameeyn doonto nidaam lagu Suuqgeeyo Khudaarta laga dhoofiyo dalka ee loo iibgeeyo Qaar ka mid ah waddamada caalamka.

Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Xannaanada Xoolaha Prof. Yuusuf  Macalin Amiin Baadiyow oo u waramay Radio Muqdisho ayaa sheegay in Wasaarddu Qorsheeyneeyso furidda xafiis qaabilsan kontoroolka Qudaarta laga dhoofiyo Dalka si loo hubiyo tayada Qudaarta.

Wasiirka ayaa sidoo kale tilmaamay in ay kordhindoonaan wax soo saarka Miraha dalka, sidoo kalena ay Ganacsatada talo ka siin doonaan Miraha ay dhoofinayaan, si aaneey ugu qasaarin.

Yuusuf Macalin Amiin Baadiyoow Wasiirka Beeraha iyo Xaannanada Xoolaha ayaa hoosta ka xariiqay in Wasaaraddu ay qorsheyneeyso meelmarinta Himilooyinka Wasaaradda, xilli dalka ay ka jirto abaar baahsan oo galaafatay inta badan nolosha xoolihii la dhaqan jiray isla markaana saameyn ku yeelatay wax soo saarkii Beeraha dalka.

.

RM.

Laaska News.