Home > PUNTLAND, SOMALI NEWS > Bosaso:Nabadoon xalay lagu dilay

Bosaso:Nabadoon xalay lagu dilay

Thursday, April 7, 2011

Laaska News April 07,2011
Wararka laga helayo Boosaaso ayaa sheegaya in xalay ay dabley hubaysani oo aan haybtooda la garanayn ay dil toogasho ah ugu geysteen magaalada Boosaaso, nabadoon caanka ahaa deegaanka oo lagu magacaabi jiray (AHUN) Saalax Cabdisalaan Axmed iyo nin kale oo goobta ka ag dhawaa oo la sheegay inuu ahaa dhalinyaro,halka nin kalana uu ku dhaawacmay.

Falkan ayaa lagusoo waramayaa inuu dhacay salaadii maqrib.

Magaalada Garowe ayaa maalintii shalay sidoo kale dil loogu geystay(AHUN) sarkaal katirsanaa Haya’ada Cilmi baarista ee Puntland (PDRC).

Wasiirka Amniga Puntland Gen.Y.A. Kheyre oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ciidamada amnigu ay ku raad joogaan  dadka falalkaa geystay.
Laaska News.

www.laaska.wordpress.com

Advertisements
%d bloggers like this: