Home > SOMALI NEWS, TFG Somalia, WARARKA > Nairobi:R/wasaare Farmaajo iyo dhiggiisa Kenya oo kulmay

Nairobi:R/wasaare Farmaajo iyo dhiggiisa Kenya oo kulmay

Thursday, April 7, 2011

Laaska News April 07,2011.

Dr.Farmajo PM

R/wasaaraha xukuumadda KMG ee Soomaaliya iyo dhiggisa dalka Kenya ayaa maanta kulan ku yeeshay magaalada Nairobi ee dalka Kenya kaas oo ay uga wada hadleen xaaladda dalka iyo xiriirka labada dowladood.

Kulanka kaddib ayay labada R/wasaare si wadajir ah u qabteen shir jaraa’id, ayadoo Raila Odinga oo hadal jeediyay uu sheegay in wadahdalkooda ay diiradda ku saareen xaaladda ammaan ee xudduudda labada dowladood ay maalmihii la soo dhaafay ay ka jireen howl gallo ay sameynayeen ciidamada Dowladda FKMG.

Sidoo kale Odinga wuxuu sheegay in kulanka diiradda lagu saaray sidii labada dowladood ay isaga kaashan lahaayeen la dagaalanka argagixisada iyo burcad badeedda, ayadoo Dowladda Kenya ay taageero badan ku bixineyso ka hortagga qatarta argagixisada gobolka ayadoo looga faa’iideynayo xiriirka wanaagsan ee labada dowladood.

R/wasaare Odinga ayaa Shirka jaraa’id uga hadlay kulanka ay Qaramamada Midoobay ka qabanqaabineyso magaalada Nairobi, wuxuuna tilmaamay in Xafiiska UN-ka u qaabilsan Soomaaliya uu kulanka ugu sheegay wada tashi, halka Dowladda Soomaaliya ay u sheegtay in shirkaasi ay muhiim tahay in uu ka dhaco gudaha dalka, taas oo uu sheegay in ay soo dhaweynayaan.

R/wasaare farmaajo oo isna saxaafadda kula hadlay luqadaha Soomaaliga iyo Engiriiska, ayaa dowladda Kenya uga mahad celiyay taageerada ay siisay shacabka Soomaaliyeed ee ka qaxay dhibaatada dalka ka taagan, wuxuuna tilmaamay in ay ka wada hadleen xiriirka labada dowladood iyo sidii ay isaga kaashan lahaayeen dadaallada lagu dagaallamayo kooxaha argagixisada ah.

Sidoo kale R/wasaare Farmaajo ayaa shirka jaraa’id ka sheegay in mowqifkii dowladda Soomaaliya eek u aaddan shirka Kenya ka dhacaya uu wali sidiisii yahay oo aysan waxna iska bedelin, wuxuuna tilmaamay in Xukuumaddu ay oggoshahay in ay la tashato beesha caalamka ama maamullada dalka ka jira, hase yeshee ay tahay in arrintaasi ay noqoto mid Dowladda ka timid oo aan loo yeerineynin.

RM.

Laaska News.

www.laaska.wordpress.com

Advertisements
%d bloggers like this: