Home > Faallo, Shirarka, TFG Somalia, WARARKA > Shirka Nairobi – Maxay tahay waxa kaliya ee mideeyay kooxda isugu tagtay Nairobi?

Shirka Nairobi – Maxay tahay waxa kaliya ee mideeyay kooxda isugu tagtay Nairobi?

Wednesday, April 13, 2011

Laaska News April 13,2011

By.Ciise Adan

Waxaan rabaa inaan wax yar ka taabto shirka Nairobi ee uu soo qaban qaabiyay wakiilka  xoghayaha Guud ee Jamciyada Qaruumaha ka dhaxeysa ee Arrimaha Soomaaliya Mr. Mahiga iyo fikradaha laga qaatay.

Shirkan ayaa lagu magacaabey shirka wadatashiga,waxaanse shirkaa aan ka qayb galin Dawladda TFG iyo Madaxwene Sh. Shariif.

Haddaba maxaa laga tashanayaa? Yaase isugu tagey? Maxaase Mideeyey Kooxda isugu tagtey?

Haddaan shirka Nairobi aysan ka qayb galin dawladda Soomaaliya oo wakiilkii Xoghayaha Guud ee arrimaha Soomaaliya uu diiday taladii Dawladda Federaalka KMGS,shirka Nairobi ee lagu magacaabay shirka wadatashiga waxaa cad in Mr. Mahiga uusan rabin dawlad Soomaaliyeed oo cagaheeda ku istaagta mar hadduu ogolaaday in uu shirkaas hirgaliyo.

Shirka Nairobi ayaa sida warbaahintu sheegtay waxaa ka qayb galay madax ka socota maamulada Galmudug,Puntland iyo xubno kasocda Ahlusunna wal Jamaaca.

Waxaa kale oo lagu soo waramayaa in maamulada qaar xubnihii ka socday loo diiday inay shirka kaqayb galaan sida raggii ka socday SSC ,laguna eedeynayo inuu Faroole iyo tolkiis hor istaageen waa sida ay hadalka u dhigeene.

Haddaba waxaa xusid mudan in dadka kaqayb galay shirka ay matalaan maamulo gaar ah oo ku abtirsada beelo gaar ah,khilaaf weynina kala dhaxeeyo dawladda KMGS.

Waxa kaliya oo Soomaali matalaana ay tahay Dawladda Soomaaliyeed ee TFG.

.
Waxaa kale oo lagu soo waramayaa shirka shalay ka furmay Nairobi  inay ka qayb galeen xubno baarlamaanka ah oo ka kooban 10 xubnood uuna hogaaminayo Gudoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan Sh.Adan.
Waxaa shirkan garab socda Mudaharaadyo iyo cambaarayn looga soo horjeedo shirka,loona arko shirkaa mid lagu burburinayo dawladda Soomaaliya ee TFG da ah.

.
Guddiga Warfaafinta ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ku eedeeyay Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya, in isagoon haysan awoodda Baarlamanka uu ka qeybgalayo shirka ay waddo Qaramada Midoobay kaasoo shaley ka furmay dalka Kenya, iyadoo Guddigu eedeyn u jeediyay Qaramada Midoobay iyo Dowladaha qaar uu ku tilmaamay inay ka shaqeynayaan Burburka Soomaaliya.

Xukuumada Soomaaliya ayaa war ka soo saartay shirka Nairobi sida ay uga soo hor jeedaan,kadib markii ay golaha wasiiradu shir ka yeesheen.
Haddaba waxa kaliya ee halkaa kaaga muuqanayaa in maamul goboleedyada taageerada uu caalamka u hayaa ay tahay in aan la helin dawlad Soomaaliyeed oo cagaheeda ku istaagta,soomaalina loo kala qoqobo maamulo beelo lagu dhisay oo marba dawladdii la dhiso laga hor keeno,taana waxaa kuugu daliila khilaafka aan dhamaanayn ee dawladdii la dhisaba ay kala hor imanayaan.

.

Waxaa kale oo la yaab leh xubin baarlamaanka ah oo ka qayb galay shirka Nairobi oo warbaahintu wareysatay ayaa sheegay inay maamulada kala hadlayaan isbadalkasta oo lagu sameynayo Dawladda Soomaaliya marka waqtigeedu dhamaado.

.
Waxaa halkaa kaaga soo baxaysa in raggaa meesha isugu tagay ay wadaan hawl gaar ah oo ku lid ah TFG iyo Baarlamaanka taageersan dawladda.
Waxaa kale oo cad in maamul goboleedyadu aanay aqoonsanayn dawladda TFG da, wasiiradeeda iyo Xubnaheeda Baarlamaanka oo ay rabaan Dawladda Soomaaliyeed inay ku cuna qabateeyaan maamuladooda ku salaysan qabiilada ay ka soo jeedaan dadkana ay xuurto ku haystaan,xitaa kooda dawladda dhexe ku jira aysan ixtiraam iyo tixgalin aysan uhaynin.

.

Haddaba Maxay tahay waxa kaliya ee mideeyay kooxda isugu tagtay Nairobi?

.
Waa in Madaxweyne Sh.Shariif  la mariyo wadadii la Mariyey Madaxweynihii hore ee Cabdulaahi Yuusuf.

Ra’iisal Wasaare Farmajo iyo golihiisa Wasiirada oo ah kuwo katayo badan madaxda iyo wasiirada wadamada ku yaal gobolkan geeska afrika iyo hay’adahan ku qadhaabta Soomaali baan shir uqabanaynaa,ayaa la doonayaa in  meesha laga saaro,taana waxaa kuugu filan hadalka kasoo yeeray Mr. Mahiga ee uu ku tilmaamay  PM. Farmajo “hanweyni”.

Halka uu PM.Farmajo uu mar uu kahadlay arrintaana uu yidhi “haa waan han weynahay,dadka Soomaaliyeedna waa han weyn yihiin”

“Aniguna kalmadaa waa ban ku diirsaday ee kasoo yeedhay PM. Farmajo”

Arrimahaasi waxay ku tusaysaa in Mr. Mahiga uu Soomaali meel ku ogaaday walina uusan arag wax runta usheega PM.Farmajo ka hor.

.
Sidaa darteed waxaan Dawladda Soomaaliyeed,Baarlamaanka Soomaaliyeed iyo qof kasta oo damiir Soomaaliyeed leh ugu baaqayaa  inay hor istaagaan waxa lagu magacaabo Federaalka iyo kala qoqobka Soomaalida.

.

.

Mudada waqtiga TFG da kahadhayna ay ka shaqeeyaan siday ubaabi’in lahaaayeen Federaalka iyo fikrada gumeystaha sababtoo ah Soomaali iyo Federaal kala dheere,ma qabiilooyin baa Federaal sameynaya maamul walbaaba waa qabiile.

Mr. Mahigana waxaan leenahay haddad Dawladdii diiday shirka aad beelo gaar ah aad kula gashaa Nairobi fadeexad iyo shaqadaada oo aad ku weydo baad ka qaadi ee faraha kala bax arimaha Soomaalida Dhexdeeda ah.

.

Related News:

Somalia:Madaxweyne Shariif oo maanta kulan la qaatay Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka

Somalia:R/wasaare farmaajo oo markale ugu baaqay in hay’adaha ay dalka ku yimaadaan waqtigii loo qabtay

Somalia:Dibadbax loogo soo horjeedo shirka Nairobi oo Gaalkacyo ka dhacay

Somalia:Dibadbax looga soo horjeedo shirka Nairobi oo Muqdisho ka dhacay maanta

.

Laaska News.

www.laaska.wordpress.com