Home > Shirarka, WARARKA > C/laahi Yusuf oo Shirka Nairobi Canbaareeyey – DHAGEYSO

C/laahi Yusuf oo Shirka Nairobi Canbaareeyey – DHAGEYSO

Friday, April 15, 2011

Laaska News April 15,2011



.

Sana’a(VOA) Madaxweynihi hore ee Somalia, C/laahi Yusuf ayaa sheegay in shirka Nairobi ay wataan dowladdo shisheeye oo doonaya inay Somalia gumeystaan.
.

Madaxweynihi hore ee Somalia, C/laahi Yusuf ayaa ka hadlay shirka wadatashiga ee xalay lagu soo afjaray
Somalia.

C/laahi Yuusuf, wuxuu sheegay in shirkaasi aanay ku jirin danta Somalia, isla markaana ay ka danbeeyaan dowladda doonaya inay Somalia gumeystaan. Madaxweynihii hore wuxuu taageerray go’aanka DKMG ay ku diiday inay ka qeybgasho shirka Nairobi, isagoo si weyna u canbaareeyay ergooyinkii Soomaalida ee shirkaasi ka qeybgalay.

Mar uu ka hadlayay khilaafka hadheeyey madaxweyne Shariif iyo guddoomiye Shariif, wuxuu sheegay in guddoomiye Shariif ay dabada ka riixayaan dowladda shisheeye oo aan dan u wadin Somalia.

C/laahi Yusuf, wuxuu kaloo xusay in ka qeybgalka Puntland ay ka qeybgashay shirka Nairobi uu yahay go’aan shaqsi ah oo uu qaatay madaxweynaha maamulka Puntland Max’ed Faroole, go’aankaasina lama qabaan dadka Putland ayuu sheegay C/laahi Yusuf.

.

DHAGEYSO

 

Wareysiga Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Mudane C/laahi Yuusuf Axmed uu la yeeshay wariyaha VOA  Mr.Abdulaziz Osman.

14 April 2011

Source: VOA.

Wararka La xiriira Shirka Nayroobi:

 

Somalia:Xukuumadda oo shir wadatashi iyo dib-u-heshiisiin ku baaqday bartamaha Bisha Juun.

Shirka Nairobi:Maxay tahay waxa kaliya ee mideeyay kooxda isugu tagtay Nairobi?

 

Laaska News.

 

www.laaska.wordpress.com