Home > SOMALI NEWS, Sports, TFG Somalia, WARARKA > Somalia:R/wasaare Farmaajo oo sagootiyay gabdhaha kubadda kulayga ee Muqdisho city – SAWIRRO

Somalia:R/wasaare Farmaajo oo sagootiyay gabdhaha kubadda kulayga ee Muqdisho city – SAWIRRO

Monday, April 18, 2011

Laaska News April 18,2011

April 17, 2011——-Xaflad sagootin ah ayaa galabta loogu sameeyay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Gabdhaha Kubadda Koleyga (Bassket ball)  ee Muqdisho City kuwaasoo maalinta berri ah la filayo inay ka ambabaxaan magaalada Muqdisho iyagoo ku sii jeeda magaalada Nairobi ee dalka Kenya halkaasoo ay uga qeyb galayaan tartanka Intercity Cup (Caasimaddaha) oo 19.04.2011 halkaasi ka furmi doona.

Mogadishu City , Girls Basket bal Teaml

Munaasabadan sagootinta ah ayaa waxaa soo qaban qaabiyay maamulka gobolka Banaadir iyadoo ay goob joog ahaayeen Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka KMG ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo, Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Maaliyadda Muqtaar Sh. Shuute Sh. Cali Maye, guddoomiye kuxigeenka maamulka gobolka C/kaafi Hilowle, Guddoomiyaha Oleympicada gobolka Banaadir Mr. C/xakiin waxaana halkaasi loogu jeediyay Gabdhaha K/Koleyga ee Muqdisho City dardaaran iyo dhiirigelin.

Mogadishu City Team

Wasiir kuxigeenka Maaliyadda Mudane Muqtaar Sh. Shuute oo goobta ka hadlay ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay inuu arko gabdho sedan isugu xiran oo ka qeybgalaya kulan wadamada Afrika ay ku tartamayaan Kubadda Koleyga wuxuuna u rajeeyey inay ka soo hooyaan guul, isagoo kula dardaarmay inay tafaraaruqa iska illaaliyaan.

Somali PM. Farmajo with Muqdisho City Basketball Team

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Mudane Maxamed Cabdullaahi oo isna la hadlay Gabdhaha K/koleyga ayaa u sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay inuu arko Gabdho Soomaaliyeed oo diyaar u ah inay ka qeybgalaan Kulan ay ku tartamayaan Caasimaddaha ayna matalaan Caasimadeena Muqdisho wuxuuna kula dardaarmay inay dedaal dheeri ah muujiyaan si ay u hantaan Koobka.

Mogadishu City , Girls Basketball Teaml

Gabdhaha K/koleyga ee Muqdisho City ayaa waxaa tababare u ah gabadha lagu magacaabo Faadumo Aweys Muudey oo ah gabar caan ku ah ciyaarta K/koleyga  waxaana tababare kuxigeen u ah Carfoon Weheliye, halka Mulki Nuur Muudey oo loo yaqaano (Mulki Jeenyo) ay ka mid tahay ciyaartoyda kooxda oo iyaduna ka mid aheyd xidigihii kooxdii K/koleyga ee Naadigii Jeenyo.

Girls Basket ball Mogadishu City

Ugu dambeyntiina Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Maaliyadda Mudane Muqtaar Shuute ayaa u balan qaaday in Wasaaradu ay ka caawin doonto kooxda dhanka Tashiilaadka si loo kobciyo Mooralka gabdhaha K/koleyga ee Muqdisho City, waxaana sidoo kale taageero dhaqaale u fidiya kooxdan Maamulka Gobolka Banaadir.

This slideshow requires JavaScript.

RM.
Laaska News.

www.laaska.wordpress.com