Home > Baargaal, PUNTLAND, TFG Somalia > Raascaseyr State oo lagaga dhawaaqey Bariga Soomaaliya

Raascaseyr State oo lagaga dhawaaqey Bariga Soomaaliya

Wednesday, April 20, 2011

Laaska News April 20,2011

Maamul ka madax banaan maamul Goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland laguna magacaabo Raascaseyr State ayaa lagu  dhawaaqay 18kii April 2011 .

Raascaseyr State ayaa wuxuu nasiib uyeeshay laba badood oo kala ah Badweynta Hindiya iyo Badda Cas.

.
Maamulkaas ayaa wuxuu doortay Madaxweyne,Madaxweyne kuxigeen iyo Gole Wasiiro oo ka kooban 4 Wasiir.

.
Madaxweynaha Raascaseyr State ayaa waxaa loo doortay Faarax Maxamuud  Yuusuf (Dooxa joog) oo horey xilal uga soo qabtey dawladdii hore ee Soomaaliya,Puntland na ka soo noqday Wasiir,halka kuxigeenkana loo doortay Prof. Barre Faatax.

.
Mr Dooxa Joog ayaa waxa uu wareysi siiyay Idaacadda VOA da laanta af soomaaliga wuxuuna ka warbixiyay maamulkan cusub ee Raascaseyr,wuxuuna cadeeyay in maamulkani ka madax banaan yahay Puntland,kana kooban yahay laba Gobol oo la kala yiraahdo Binna oo caasimadiisu tahay Baargaal iyo Gobolka Boolimoog oo caasimadiisu tahay Caluula.

.
Mr. Dooxa Jooga oo ka waramaya sababaha keeney iyo warkii oo dhan iyo wareysiga VOA du la yeelatay halkan ka hoose ka dhageyso.

.

 DHAGEYSO Wareysiga VOA du la yeelatey Mr.Dooxa Joog

 

.

Waxaa dhawaan deegaanadaas ka socday shirar looga wada hadlayey sidii deegaanka wax loogu qaban lahaa,waxaana muuqatey in deegaanadiisi ay jirtey cabasho wax qabad la’aan ah ay ka tirsanayeen maamulka Puntland.

.

Waxaase arrinta cirka ku sii laaley kadib markii Prof.Cabdilaahi Maxamed Ciise (Laasarooni) oo ka tagey Baargaal kuna sugnaa Gaalkacyo xabsiga loo taxaabey.

.

Prof.Laasarooni ayaa waqtigaa kusii jeeday Nayroobi.

.

Laaska News.

www.laaska.wordpress.com