Home > SOMALI NEWS, TFG Somalia, UN & ORG (Somalia) > Jibouti:Wadamada geeska afrika oo kulan ka yeeshay

Jibouti:Wadamada geeska afrika oo kulan ka yeeshay

Wednesday, April 27, 2011

Laaska News April 27,2011

Massuuliyiin ka kala socota wadamada ku bahoobay urur goboleedka IGAD ayaa kulan  manta ay ugu hadlayeen xalinta qilaafaadka xuduudaha ee dalalka geeska afrika waxa  ay   ku yeesheen xarunta IGAD ee dalka jabuuti.

masuuliyiintii ka qayb galay ayaa isku soo hadal   qaaday  qodobo ay ka mid ahaayeen  qaabka loo xalin karo hadii uu yimaado is qab qabsi xaga dhulalka ah iyo waliba kuwa dhinaca mustaqbalka imaan kara.

kulankaasi  ayaa soomaaliya waxaa ugu qayb galay wasiir ku xigeenka caafimaadka cismaan libaax  iyo general c/risaaq biix oo labada ka mid ahaa masuuliyiintii dolwlada somaliya ku mataleesay kulanka manta ka furmay  Xarunta urur goboleedka IGAD ee dalka jabuuti

Kulankaan oo ahaa  mid aad xasaasi  ah marka laga hadlayo arimha xuduudadaha oo dhibaatooyin ka dhasha muranka dhinaca xuduudaha ayaa waxaa sanadkan ka qeyb galay wufuud ka kala socota wadamada ku muransan arima la xiriira dhinaca dhulka.

waxa ay ku soo aadeysaa xilli urur gobaleedka IGAD uu dalka jabuuti ka furay xaafiis cusub oo ka shaqqeya dhinaca xalinta qilaafaadka xuduudaha ah.

Si kastaba ahaatee kulankii manta ayaa waxa uu ahaa kulan ahmiyad Gaar ah U leh wadamada geeska afrika aydoo fikrado kale duwan laga qabo marka loo Eego doodaha dhinaca dhulka ah.

Waxaa arintaani kusoo beegmeysaa xili ay sidoo kale soomaaliya ka jira maamul goboleedyo hadii si rasmi ah loo Aqoonsado ay  ka dhalan karto dhibaato  hor leh oo soamliaya ka dhasha.

RM.

Laaska News.
www.laaska.wordpress.com

Tags: