Home > ALL DARWIISH NEWS, SOMALI NEWS, Somaliland > Somalia:Laascaanood – Sarkaal katirsan Ciidanka Boliska ee Gobolka Sool iyo laba qof oo kele oo la dhaawacay-Beelahooda

Somalia:Laascaanood – Sarkaal katirsan Ciidanka Boliska ee Gobolka Sool iyo laba qof oo kele oo la dhaawacay-Beelahooda

Saturday, April 30, 2011

Laaska News April 30,2011

Lasanod-(Laaska News) Wararka laga helayo magaalada Laascaanood ayaa sheegaya in sarkaal ka tirsanaa Ciidanka Booliska ee Gobolka Sool ee (Maamulka Somaliland) laguna magacaabo Jaamac Muuse Cawad ay dabley hubeysani ku toogteen xalay (maqribkii) badhtamaha magaalada Laascaanood,waxaana lagusoo waramayaa inuu soo gaaray dhaawac culus loona qaaday Magaalada Hargeysa.

Waxaa kale oo uu warku intaa kudarayaa in laba qof oo kale oo gabtaa ka ag dhawaa  ay dhaawacmeen oo midkood yahay qof dumar ah.

Waxaana la sheegay  inuu muddo gaaban uu horey u ahaan jiray Taliye kuxigeenka Laanta Baarista Dambiyada (CID)  ee Gobolka Sool,maamulkii Riyaale,haddana uusan hayn wax xil ah ka hayn.

Sarkaalkan iyo labada qof ee kale ayaa dhammaantood kasoo jeeda Beesha Dhulbahante.

Waxaana dad yaqaana dadkaa dhaawacmay ay noogu sheegeyn inay kasoo kala jeedaan:

Sarkaalku inuu kasoo jeedo Beesha Barkad,Gabadhuna Bahararsame ,iyo nin ka kale oo ah Beesha Hayaag.

Laaska News.
www.laaska.wordpress.com

Advertisements
%d bloggers like this: