Home > LIBYA, SOMALIA, TFG Somalia, WARARKA > Liibiya: Soomaali ka badbaadday Doon ciladowday oo Safaaradda ku sugan

Liibiya: Soomaali ka badbaadday Doon ciladowday oo Safaaradda ku sugan

Sunday, May 8, 2011

Laaska News May 8,2011

Dad Soomaaliyeed oo ka soo badbaaday Doon ku qalibantay Xeebta dalka Liibiya ayaa gaaray xarunta safaaradda Soomaaliya ee Caasimadda dalka Liibiya.

In ka badan 200 oo isugu jira rag iyo haween ka soo badbaaday Doontaan oo ku qalibantay Xeebta Tripoli ayadoo bilaabeysa Safar ay dalka Talyaaniga ku aadi lahayn ayaa lagu daadgureyay xarunta safaaradda.

C/qani Maxamed Waceys oo ah sii hayaha Safiirka safaaradda Liibiyada ayaa sheegay in 53 ruux oo ka mid ah dadkaan ay ku dhinteen Doonta, kuwaas oo intooda badan aan la heynin xataa Meydkooda.

Wuxuu intaa raaciyay in 17 ka mid ah dadkaasi ay yihiin haween halka carruur aan badneyn ay ka mid yihiin dadkaas tahriibayaasha ah ee ka soo badbaaday Doontaas qalibantay.

C/qani ayaa sheegay in dadka Soomaaliyeed ay qaar ka mid ah ay magaalada Guryo ka kireysteen halka qaar badan ay wali ku sugan yihiin xarunta safaaradda Soomaaliya ee dalka Liibiya.

RM.

Laaska News.
www.laaska.wordpress.com