Home > Muqdisho, SOMALI NEWS, Tacsi, WARARKA > Somalia:Allaha u naxariistee IMAAM MAXAMUUD oo maanta lagu aasay Muqdisho,loona sameeyey AAS QARAN – SAWIRRO

Somalia:Allaha u naxariistee IMAAM MAXAMUUD oo maanta lagu aasay Muqdisho,loona sameeyey AAS QARAN – SAWIRRO

Sunday, May 15, 2011

Laaska News  May 15,2011

Allaha u naxariistee waxaa maanta magaalada Muqdisha Aas Qaran loogu sameeyay Imaam Maxamuud Imaam Cumar oo dhawaan ku geeriyooday dalka Kenya.

Meydka Imaam Maxamuud oo garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde laga soo dejiyay 12-kii Duhurnimo ee maanta, ayaa waxaa isla gudaha garoonka diyaaradaha lagula Dukaday Saladii Janaasada.

Waxaana Dukashada Salaada Janaasada ka qeybgalay Madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed,  Guddoomiyaha Barlamanka Shariif Xasan Sheekh Aadan, Wasiirro, Xildhibaanno, Aqoonyahanno, iyo qaar ka mid ah Odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed.

Jannaasada kadib ayaa waxaa gaadiid farabadan oo lagu gelbinayay Meydka Imaamka waxa ay u dhaqaaqeen dhanka Jasiira oo lagu aasay Allaha u naxariistee Imaam Maxamuud Imaam Cumar oo ahaa hoggaanka dhaqanka Beelaha Soomaaliyeed.

Imaam Maxamuud Imaam Cumar ayaa ku geeriyooday magaalada Nairoobi ee dalka Kenya 12-kii May, kaddib markii uu in muddo ah xanuunsanayay.

Innaa Lillaahi wa Innaa Illeyhi Raajicuun.

This slideshow requires JavaScript.

Photo by: C/RAXIIM CADDE

RM.

…………………………………………………………………………………………………………………..

Related News:


Meydka Imaam Maxamuud oo Muqdisho ku soo wajahan
Qabanqaabo aad u ballaaran oo aas Qaran  loogu sameynayo Imam Maxamuud Imaam Cumar  ayaa   ka socot a magaaladda Muqdsho iyadoo goor dhow  diyaaraddii sidday maydkiisa soo gaari doonto magaalada Muqdisho.

Masuuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya, R/wasarihii hore ee Soomaaliya Cali Maxamed Geeddi iyo dad Soomaalida magac ku dhex leh ayaa soo sagootiyay Meydka Imaamka oo saacadaha soo socda la soo gaarsiin doono Muqdisho, ayadoo ay la socdaan diyaaradda Meydka wadda   safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya Danjire Maxamed Cali Ameeriko.

Garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka soconaya  diyaargarow   loogu jiro sidii aas Qaran  loogu sameyn lahaa Immaam Maxamuud  Imam Cumar, ayadoo madaxda dalka qaarkood ay ka qeyb galayaan aaska.

Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka iyo qaar ka mid ah odayaasha Dhaqanka Muqdisho ayaa imminka ku sugan garoonka diyaaradaha Muqdisho.

RM.

Laaska News.
www.laaska.wordpress.com