Home > PUNTLAND, WARARKA > Somalia:Faroole – “Ammaan darrida Puntland waxaa ka dambeeya Argagixiso”

Somalia:Faroole – “Ammaan darrida Puntland waxaa ka dambeeya Argagixiso”

Monday, May 16, 2011

Laaska News  May 16,2011

Madaxweynaha Maamul goboleedka Puntland C/raxmaan Maxamed Maxamuud Faroole ayaa sheegay in dilalka ka dhaca deegaannada maamulkaasi ay ka dambeeyaan kooxo argigixiso ah balse aysan ahayn aanooyin qabiil.

C/raxmaan Faroole oo Shir jaraa’id ku qabtay   magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Barri ayaa sheegay in falalka dilalka ah ee deegaanada Maamulkaasi ka dhacayey muddooyinkan ay ahaayeen kuwo ay geysanayeen Shaqsiyaad argigixiso ah oo dano gaar ah leh kuwaasi oo  qandaraasleyaal ah balse aysan ahayn sida loo tarjumayo ee ah inay dilalka dhacaya salka ku hayaan aanooyin Qabiil.

Arrintaasi ayaa marar badan waxaa ka hadlay saraakiisha maamulka Puntland iyagoo timaamay in ay la dagaallami doonaan cid walbo oo caqabad ku ah ammaanka degaannadooda .

Warkan kasoo baxay Madaxweynaha maamulka Puntland C/raxmaan Faroole ayaa imaanaya xili maalmihii lasoo dhaafay magaalooyin ka tirsan maamul goboleedkaasi ay ka socdeen howl gallo ay ciidamadu ku sugayaan ammaanka deegaanka.

RM.

Laaska News.
www.laaska.wordpress.com