Home > Baarlamaanka Soomaaliya, SOMALI NEWS, TFG Somalia, WARARKA > Somalia:Guddoomiyaha Baarlamaanka: “Weli lama arkin anigoo magacaabayo Wasiir ama Garaaddo siinayo Generaallo”

Somalia:Guddoomiyaha Baarlamaanka: “Weli lama arkin anigoo magacaabayo Wasiir ama Garaaddo siinayo Generaallo”

Tuesday, May 17, 2011

Laaska News  May 17,2011

Mudane Shariif Xasan Sh Aaden Afheyeenka Golaha Baarlamanka Soomaaliya oo wareysi qaas ah siiyay Radio Muqdisho ayaa ka  hadlay Eedeyn uu dhowaan u jeediyay k/xigeenka 2aad ee Guddoomiyaha Golaha Baarlamanka Axmed Dhimbil Rooble Casoowe taasoo uu ku eedeeyay inuu Guddoomiyuhu la wareegay awooddii ay laheyd Xukuumadda KMG ah Soomaaliya.

Waxa uu tilmaamay Guddoomiyuhu inuusan wax farogelin ah ku haynin Howlaha Xukuumadda Soomalaiya.

“Waxaan u maleeynayaa inaan weli la arkin anigoo magacaabayo Wasiir ama Garaado  siinayo Generaallo, sidaas darteed ma jirto wax faragelin ah oo aan ku hayo Xukuumadda Soomaaliya’ sidaasna waxaa yiri Guddoomiyaha Baralamanka Shariif Xasan Sh Aaden intii uu ku guda jiray wareysiga uu siiyay Radio Muqdisho.

Guddoomiyaha Baarlamanka ayaa soo hadal qaaday mar kale Guddigii Doorashada ee uu dhowaan ku dhowaaqay isagoo ku adkeystay inuu yahay mid sharci ah maadaama uu Qodobka 18-aad ee xeer hoosaaadka Baarlamanka awood u siinayo inuu magacaabi karo.

Shariif Xasan Sh Aaden Guddoomiyaha Baarlamanka oo aan wax ka weydiinay inuu u taagan yahay qabashada Xilka Madaxweynenimo ee dalka haddii doorasho la qabto ayaa ku gaabsaday, isagoo sheegay  inuu ka hadli doono marka la gaaro Xilliga Doorashada,

“Waan u taaganahay ama u ma taagni midna kuma dhahayo laakiin marka la gaaro ayaan ka hadli doonaa”.

Ugu dambeyntii Guddoomiyaha waxa uu ugu baaqay qeybaha kala duwan ee Bulshada soomaaliyeed in ay ka shaqeeyaan sidii loo soo celin lahaa Ammaanka Soomaaliya iyo qarannimadooda.

RM.

Laaska News.
www.laaska.wordpress.com