Home > ALL DARWIISH NEWS, PUNTLAND, Somaliland, WARARKA > Somalia:Laba Nin oo lagu dilay Magaalada Laascaanood – BEESHA

Somalia:Laba Nin oo lagu dilay Magaalada Laascaanood – BEESHA

Wednesday, May 18, 2011

Laaska News  May 17,2011

Lasanod (Laaska News) – Warka naga soo gaaraya magaalada Laascaanood ayaa sheegaya in galabta, maqribka hortiisii magaalada Laascaanood ay dabley hubaysani ku toogteen laba nin oo ka soo jeeda Beesha Axmed Garaad oo midi yahay Garsoore Maxkamada Gobolka Sool laguna magacaabo Sh.Maxamed Ibraahim Samater kana soo jeeda Ardaaga reer Hagar.

Nin ka labaad ee isna la toogtay ayaa lagu magacaabaa Cadnaan Sulub Jibriil oo ah kalkaaliye caafimaad kana soo jeeda Ardaaga reer Cali Geri.

Wararka qaar ayaa sheegaya  in labada nin uu wada toogtay hal nin,oo markii hore la toogtay Garsooraha kadibna kalkaaliyuhu kadaba orday ninka falka geystay oo sidaa isagiina lagu toogtay.

Labadan nin Ilaahey ha u naxariistee waxaa caawa lagu aasaya magaalada Laascaanood,sida warku nagu soo gaaray.

.

Dilkan ayaa waxaa uu kusoo aadayaa iyadoo wafdi balaaran oo wasiiro ah oo ka tirsan maamulka Soomaaliland ay magaalada ku sugan yihiin,ciidamo badana la soo dhoobay magaalada.

.
Dilalka Magaalada Laascaanood ayaa ah kuwo u dhaca ujeedooyin badan,waxaana dadka loogu dhuuntaa qofkaasi waa Somaliland.

.

Dhawaan ayay ahayd markii dhawr qarax oo is xiga ay ka dhaceen magaalada,oo xitaa qarax lala eegtay guriga Gudoomiyaha Gobolka Sool,sida warbaahinta laga sheegayna ay ku dhaawacmeen dhawr askari.

.

Somaliland ayaa ku fashilantay inay sugto amniga magaalada Laascaanood ee ay gacanta ku hayso ilaa hadana jawaab uma hayso dadka dadkooda la laayay.

.
Dilalkan isa soo taraya ayaa laga cabsi qabaa inuu isku rogo mid beeleed,haddaan xal siyaasadeed,mid amni iyo mid beeleedba aan laga gaarin inta ay goori goor tahay.

Related News:

Degdeg:Raggii Dhaawacay Taliyaha Ciidanka Nabadgelyada Wadooyinka Gobolka Sool oo la qabtay

War Deg Deg ah:Adan Axmed Yaasiin oo ladhaawacay iyo raggii oo lagartey

Somalia:Laascaanood – Sarkaal katirsan Ciidanka Boliska ee Gobolka Sool iyo laba qof oo kele oo la dhaawacay-Beelahooda

Somalia:Gudoomiye kuxigeenka Gobolka Sool oo Qarax ka badbaaday

Qarax lala eegtay xalay Rag Bahararsame ah oo ku sugnaa Saldhig Boolis oo ku yaal Koonfurta Laascaanood

Gudoomiyihii Maxkamada Gobolka Sool oo Dhaawacii u geeriyooday

Deg Deg Laascaanood:Gudoomiyaha Maxkamada Gobolka Sool oo caawa la dhaawacay kuna jira Xaalad Culus -Koomo: Laaska News

Wararkii ugu dambeeyay ee Laascaanood iyo dilkii xalay ka dhacay oo laba qof ah

Laascaanood:Taliyihii Sirdoonka Gobolka Sool ee Somaliland oo ladilay iyo ku xigeenkiisii oo la dhaawacay iyo Caawa

Laba Nin oo ka tirsan Beesha Bahararsame oo xalay lagu dhaawacay Laascaanood oo midi yaha Taliyihii Laanta Danbi Baarista G.Sool

Laaska News.

www.laaska.wordpress.com

Advertisements
%d bloggers like this: