Home > TFG (A+), WARARKA > Kenya:Madaxweynaha iyo Ra’iisulwasaaraha oo Nairobi gaaray SAWIRRO+DHAGEYSO

Kenya:Madaxweynaha iyo Ra’iisulwasaaraha oo Nairobi gaaray SAWIRRO+DHAGEYSO

Wednesday, May 25, 2011

Laaska News  May 25,2011

Nairobi,Kenya(May 24) – Wafdi ay hogaaminayaan madaxweynaha jamhuuriyada iyo ra’iisulwasaaraha dalka ayaa soo gaaray garoonka Joma Kenyata ee magaalada Nairobi.

Wafdiga madaxweynaha oo 25 xubnood ka kooban ayaa waxaa ka mid ah godoomiye ku xigeenka baarlamaanka iyo xubno kamid ah xildhibaanada baarlmaanka iyo qaar ka mid ah mas’uuliyiinta hay’adaha dowlada.

Waxaa wafdiga garoonka ku soo dhoweeyay wasiirka warfaafinta Boostaha iyo is gaarsiinta Dr. Cabdikiriin Jimcaale, wasiir ku xigeenka arrimaha gudaha Ibraahin Isaaq Yaroow, wasiirka arrimaha dibadda Omaar, safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya Maxamed Cali Nuur (Ameeriko), qaar ka mid ah xildhibaanada BKMG ah.

Ra’iisul wasaare maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa uga war bixiyay Radio Muqdisho ujeedada Safarkaan iyo muhiimadiisa, isaga oo sheegay in ay muhiim tahay in QM ay u soo jeesatay in ay wax ka qabato arrimaha Soomaaliya, isla markaana ay mas’uuliyiin badan ka qeyb galayaan shirkan

DHAGEYSO

Dhanka kale waxaa magaalada Nairobi soo gaaray madaxweynayaasha dowlad goboleedyada Puntland iyo Galmudug Cabdi Raxmaan Faroole iyo Caali, waxaana garoonka Wilson ee magaalada Nairobi ku soo dhoweeyay mas’uuliyiin ka tirsan safaarada Soomaalida iyo taageerayaasha labada maamul, oo si xamaasadeysan heeso wadani ah u qaadayay.

Waxaa sidoo kale isna soo gaaray magaalada Nairobi wasiirka arrimaha dibadda maamulka Somaliland oo isna la filayo in uu ka qeyb gali doono shirka maalinta barri ah furmaya.

Faahfaahinta shirkaan laga helayo ayaa ah mid aad u yar, balse kadib shirarka goon ah waxaa barqanimada barri ah (Arbaco) bilaaban doona shirka weyn, oo looga hadli doono arrimaha kala aragti duwanaanshaha dowlada eek u saabsan dhameynta xilliga KMG iyo doorashooyinka madaxda qaranka.

This slideshow requires JavaScript.

Alinur Salad

Nairobi Kenya

Laaska News.
www.laaska.wordpress.com