Home > Shirarka, UN & ORG (Somalia), WARARKA > Kenya:Qodobada lagu go’aamiyay shirkii Nairobi

Kenya:Qodobada lagu go’aamiyay shirkii Nairobi

Wednesday, May 25, 2011

Laaska News  May 25,2011

Shir jaraa’id ayaa ka dhacay xarunta xafiiska siyaasadda ee QM ee Nairobi ayaa waxaa lagu sheegay in ay wakiillada golaha ammaanka isla arkeen sadex qodob oo kala ah:

1- Joojinta khilaafka madxdadowladda u dhaxeeya

2- Ilaalinta axdi qarameedka, iyo ku dhaqmidda shuruucda u degsan.

3- In shirka bisha June magaalada Muqdisho lagu qaban doono lagu go’aamiyo qaab siyaasadeedka uu dalku ku socon doono, uuna shirkaasi gacanta ku haayo xafiiska arrimaha siyaasada u qaabilsan QM, wixii ka soo baxana uu danjire Mhiga ula laaban doono golaha ammaanka kadiba la isla arko.

Waxaa shirka jaraa’id isla qabtay:

Eregeyga joogtada ah ee dowlada Ingiriiska u qaabilsan golaha ammaanka Mr.Mark Lyall Grant, Ergeyga joogtada ah ee dowladda Koofur Afrika u qaabilsan golaha ammaanka Mr. Baso Sanguqu, iyo ergeyga QM u qaabilsan arrimaha Somalia Augustine mhiga.

Alinur Salaad- Nairobi Kenya.

 RM.

Related Articles:

Somalia:Madaxwayanaha oo dalka dib ugu soolaabtay sheegayna in la qabanayo shirka wada tashiga

Kenya:Madaxweynaha iyo Ra’iisulwasaaraha oo Nairobi gaaray SAWIRRO+DHAGEYSO

Madaxweynaha Iyo R/wsaraha oo u safray Kenya.Sawirro

Laaska News.
www.laaska.wordpress.com