Home > TFG (A+), TFG Somalia, WARARKA > Somalia:R/wasaaraha oo dalka ku soo laabtay + Warar la xiriira

Somalia:R/wasaaraha oo dalka ku soo laabtay + Warar la xiriira

Thursday, May 26, 2011

Laaska News  May 26,2011

R/wasaaraha oo la kulmay Madax ka tirsan caalamka

R/wasaare Farmaajo oo la kulmay Ergayga Q/Midoobay u qaabilsan Soomaaliya

R/wasaaraha oo dalka ku soo laabtay

R/wasaaraha xukuumadda KMG ee dalka mudane Maxamed C/llaahi Maxamed iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa galabta dalka dib ugu soo laabtay kaddib safar shaqo oo ay ku gaareen magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

R/wasaaraha waxaa ka mid ah wafdigiisa wasiirro ka tirsan xukuumadda sida R/wasaare ku xigeen ahna wasiirka Qorsheynta iyo iskaashiga caalamiga ah Dr. C/wali Maxamed Cali, wasiirka waxbarashada hidaha iyo tacliinta sare Dr. C/nuur sheekh Maxamed, wasiiru dowlaha xiriirka Baarlamaanka Maxamed Cabdi Xayir Maareeye iyo xubno kale.

Mudanayaashaan ayaa ka soo qeyb galay shirkii golaha ammaanku ay ku qabteen magaalada Nairobi ee looga hadlay xaaladda waddankan, ayadoo R/wasaaruhu uu maanta kulamo la qaatay madax uu ka mid yahay Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya.

R/wasaare ku xigeenka ahna wasiirka Difaaca C/xakiin Maxamuud Xaaji Fiqi iyo mudanayaal kale ayaa wafdiga R/wasaaraha ku soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha ee Aadan Cabdulle ee magaalada Muqdisho.

.

R/wasaare Farmaajo oo la kulmay Ergayga Q/Midoobay u qaabilsan Soomaaliya

File: photo UN

R/wasaaraha Soomaaliya ayaa maanta magaalada Nairobi kula Kulmay Ergayga Q/Midoobay ee Soomaaliya.

R/wasaare Maxamed C/llaahi Farmaajo oo ay wehliyan xubno ka tirsan Goliisa Wasiirada ayaa maanta magaalada Niroobi kulan kula qaatay Ergayga Q/Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Agostino Mahiiga, waxaana Mudane Farmaajo uu kala hadlay arimo ku saabsan dalkeenna Soomaaliya.

R/wasaare Farmaajo ayaa hoosta ka xariiqay in la gargaaro dadka Soomaaliyeed ee ku barakacay gudaha dalka iyo Qaxootiga dibada, iyadoo Ergaga Q/Midoobay uu dhankiisa sheegay in uu rajeeynayo in ay wax u qabtaan dadka Sooamaaliyeed, sida uu Radio Muqdisho u xaqiijiyay Danjiraha Soomaaliya ee Narobi Maxamed Cali Ameeriko oo ka mid ahaa xubnihii la socday R/wasaare Farmaajo.

Kulankan ayaa ku soo beegmaya xilli magaalada Nairobi lagu soo gebagebeeyay shir looga hadlayay arimaha Soomaaliya, kaas oo ay soo qabanqaabisay Qaramada Midoobay.

.

R/wasaaraha oo la kulmay Madax ka tirsan caalamka

R/wasaaraha xukuumadda KMG ee Soomaaliya mudane Maxamed C/llaahi Maxamed oo ku sugan magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa kulamo qaatay qaar ka mid ah madaxda Caalamka ee ka qeyb gashay shirkii golaha ammaanka ee soo gabagaboobay iyo Diblomaasiyiin kale.

Danjiraha Soomaaiya u fadhiya waddanka Kenya Maxamed Cali Nuur Ameeriko oo wareysi siiyay Radio Muqdisho ayaa sheegay in R/wasaaraha iyo wafdiga ka socda xukuumadda ay kulamo la qaateen madax uu ka mid yahay ergayga Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya oo ah madaxweynihii hore ee waddanka Ghana iyo diblomaasiyiin kale.

Kulankaas ayuu sheegay danjiruhu in looga hadlay xaaladda dalka iyo sida loo xoojin karo dadaallada caalamiga ah iyo tan goboleed ee loogu jiro nabadeynta waddanka iyo la dagaalanka kooxaha Argagixisada ah ee dagaalka wada geeska Afrika, ayadoo taageerada Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM loo arkay mid kaalin wanaagsan ka qaadan karta arrintaasi.

Kulankaas waxaa sidoo kale ka qeyb galay ergayga howlaha AMISOM u qaabilsan Midowga Afrika oo ku nuuxnuuxsaday guulaha ay ciidamada iskaashanaya ee AMISOM iyo TFG ay ka gaareen howl gallada ka socda magaalada Muqdisho,  isagoo tilmaamay in tusaale wanaagsan ay u tahay qorshaha caalamka iyo gobolku ay wax uga qabanayaan dalka Soomaaliya, ayagoo kaashanaya dowladda FKMG.

R/wasaare ku xigaanka ahna wasiirka Qorsheynta iyo iskaashiga caalamiga ah Dr. C/wali Maxamed Cali, Wasiirka Waxbarashada, Hidaha iyo tacliinta sare C/nuur Sheekh Maxamed , Wasiirka warfaafinta Boostada iyo isgaarsiinta C/kariim Xasan Jaamac, wasiir ku xigeenka wasaaradda arrimaha gudaha iyo amniga Qaranka Ibraahin Isaaq Yaroow iyo Danjiraha Soomaaliya u fadhiya waddanka Soomaaliya Maxamed Cali Nuur Ameeriko ayaa kulankaas kala qeyb galay R/wasaare Maxamed C/llaahi Maxamed.

R/wasaaraha ayaa maanta kulan la qaadan doona ergayga gaarka ah ee Xogahayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrinta Soomaaliya Dr. Agostine  Mahiga  oo ay ka wada hadli arrimo ay ka mid yihiin xaaladda bani’aadamnimo ee waddanka iyo dadaallada lagu taageerayo dadka Soomaaliyeed sida uu xaqiijiyay danjire Ameeriko.

.

Ban-ki Moon oo soo dhaweeyey howlgalka ciidamada dowladda

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay  Ban-ki Moon ayaa soo dhaweeyey howlgallada ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM ay ka wadaan gudaha dalka oo uu ku sheegay in tahay mid fursad u siineysa qaxootiga Soomaaliyeed ee dalka dibadiisa ku dhaqan in ay guryahooda dib ugu laabtaan, isagoo xusay in howlgalkaasi wada jir ka ah ay ciidamadu ka soo hooyeen guulo la taaban karro,, loona baahanyahay in la dhiiro geliyo dadaalladaasi.

Hadalkiisa ayuu sii raaciyay in Qaramada Midoobay ay gacan ka geysan doonto dadaallada nabad raadinta Soomaaliya

Xogahaya Guud ee Qaramada Midoobay ayaa sheegay in Beesha caalamka iyo Qaramada Midoobay aysan u dul qaadan doonin in madaxda sare ee dowladda Soomaaliya ay ku sii dhex jiraan khilaafka haatan u dhexeeya, isagoo ku baaqay in ay xaliyaan khilaafkooda, ayna aragti mideysan ka yeeshaan sida looga gudbi karo marxaladda kala guurka.

Mr Ban ki Moon oo kooxaha warfidiyeenka kula hadlay magaalada Adis Ababa ee xaunta dalka Ethiopia kadib markii uu soo dhamaaday kulan uu halkaasi kula qaatay saraakiisha Midowga Afrika ayaa sheegay in Qaramada Midoobay ay ka walaacsantahay xaaladda beni’aadanimo ee ka taagan Soomaaliya, isagoo hoosta ka xariiqay in Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika ay iska kaashan doonaan sidii taageero dhinac walbo leh loo siin lahaa dowladda KMG Soomaaliya.

RM.

Related News:

UN Security Council calls on Somalia to find lasting political solution to crisis

Somalis Are Told to Stop Bickering or Lose Financing

Somalia: Ban urges leaders to commit to stability and public service

Kenya:Qodobada lagu go’aamiyay shirkii Nairobi

.

Laaska News.
www.laaska.wordpress.com