Home > TFG Somalia, WARARKA > Xukuumadda Oo Ka Hadshay Xaaladaha Ammaanka, Siyaasadda Iyo Dhaqaalaha-SAWIRRO

Xukuumadda Oo Ka Hadshay Xaaladaha Ammaanka, Siyaasadda Iyo Dhaqaalaha-SAWIRRO

Friday, May 27, 2011

Laaska News  May 27,2011

Shir jaraa’id oo ay si wada jir ah magaalada Nairobi ugu qabteen wasiirrada Warfaafinta boostaha iyo isgaarsiinta, C/Kariim Xasan Jaamac iyo maaliyadda Xasan Cabdi Xalane ayaa waxa ay uga hadleen arrimha Ammaanka, siyaasadda iyo maaliyadda dalka.

Wasiirka warfaafinta oo ku hormarmaray ayaa waxa uu sheegay in ay ciidamda dowladda iyo kuwa AMISOM oo is garabsanaya ay horumar ka sameeyeen dagaallada Muqdisho iminkana ay kaabiga u saaranyihiin suuqa Bakaaraha,  gobollada koofur galbeed ee dalkana ay ciidamda dowlada horumar ka sameeyeen, sidaa darteedna ay habalyo u dirayaan ciidamda meel walba oo ay joogaan.

Dhanka siyaasadda ayuu wasiirku sheegay in horumar fiican laga sameeyay, isaga oo xusay in guul laga gaaray shirkii golaha ammaanka Nairobi , maadaama xalka lagu celiyay gacmaha Soomaalida, soomaalidana ay aayahooda ka tashan doonaan bisha June ee soo socota, waliba caasimadda dalka ee Muqdisho.

Dhanka maaliyadda waxa Dr, Cabdikiriin sheegay in aysan dowladu u dul qaadan doonin wax musuq ah oo lagu sameeyo, waxa uuna sheegay in uu jiray qoraal ka soo baxay wakaalada wararka AP oo sheegayay in mashruuc 600 oo kun doolar la joojiyay kadib markii wasiirkii ay khuseeysay uu dabaday lacag, markii la waayayna uu istaagay,  waxa uuna wasiirku raaciyay “waxaasina wax jiri ka ma aha, hadii ay jirtayna ma sii jiri doonto”.

Wasiirka maaliyadda Xeseen Cabdi Xalane ayaa dhankiisa sheegay in ay hagaajiyeen miisaaniyada dowlada,, markii ugu horeysana ay dowladu miisaaniyad ku dhaqanto, shaqaalaha dowladana bishii shanaad ay mushaar qaadanayaan.

Arrinka dekedda  Muqdisho ayuu wasiirku sheegay in aysan jirin lacag aan la ogeyn ama si khaldan ku baxda, waxa uuna cadeeyay in ay xaliyeen musuq heer hoose ah oo dekada ka jiray, balse iminka la xalliyay, dakhliga ka soo baxana uu iminka gaaray  laba milyan oo doollarka mareyka ah.

Wasiirku waxa uu sidoo kale waxba kama jiraan ku tilmaamay warbixin uu dhowaan Cabririsaaq Fartaag Nairobi ugu soo bandhigay warbaahinta iyo xildhibaano baarmalaanka KMG ah oo lagu faafiyay wakaaladda wararka AP oo u qaadatay in warbixinta ay soo saartay dowladda Soomaaliya.

Wasiir Xalane ayaa is weydiiyay waxa warbixintaan lagala damacsanyahay xilligaan adag oo ay dowladu dhaqdhaqaaq dagaal ka wado dhowr gobol, waxa uuna dowlada u soo jeediyay in arrinka maxkamad la geeyo si ay u cadaato waxa ay dhabta tahay.

 

This slideshow requires JavaScript.

Alinur Salad

Nairobi, Kenya

RM.

Laaska News.
www.laaska.wordpress.com