Home > 10001, TFG Somalia, WARARKA > Somalia:Dowladda KMG ah oo shirkadda S.K.A. ku wareejisay ammaanka garoonka Muqdisho-SAWIRRO

Somalia:Dowladda KMG ah oo shirkadda S.K.A. ku wareejisay ammaanka garoonka Muqdisho-SAWIRRO

Monday, May 30, 2011

Laaska News  May 30,2011

Dowladda KMG ah ee Soomaaliya ayaa maanta shirkadda S.K.A si rsami ah ugu wareegjisay howlaha dhinaca amaanka ee garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho.
Munaasabad maanta lagu qabtay garoonka diyaaradaha Muqdisho isla markaana ay ka qeybgaleen mas’uuliyiin ka tirsan DKMGS ayaa si rasmi ah Shirkada S.K.A lagula wareejiyay howlaha amaanka Garoonka.

Wasiirka Wasaaradda Dekedaha Gaadiidka Circa iyo Dhulka Axmed C/raxmaan ayaa ku dhawaaqay in amaanka garoonka Diyaaradaha Dowladu ku wareejisay Shirkadda S.K.A, isagoo u rajeeyay in howlaha amaanka garoonka ay shirkadu si wanaagsan u gudandoonto.

Dhinaca kale Mas’uul u hadlay Shirkaasi ayaa sheegay in laga billaabo berri ay shirkadu si buuxda ula wareegi doonto amaanka garoonka, isagoo muujiyay sida uu ugu faraxsanyahay mas’uuliyadda ay shirkadu la wareegtay , wuxuuna ku celceliyay in ay si wanaagsan u gudan doonaan howlaha loo igmaday.

Shirkadda S.K.A. ayaa lagu xasuustaa hoowlihii sida KMG ah ay garoonkaasi uga qabatay, taas oo loo arko in ay shirkadu qibrad iyo aqoon wanaagsanba u leedahay gudashada howlaha loo igmaday.

 

RM.

Laaska News.
www.laaska.wordpress.com