Home > PUNTLAND, Somaliland, TFG Somalia, WARARKA > Somalia:R/wasaaraha oo la hadlay banaanbaxayaasha.-SAWIRRO

Somalia:R/wasaaraha oo la hadlay banaanbaxayaasha.-SAWIRRO

Thursday, June 9, 2011

Laaska News  June 9,2011

R/wasaraha Xukuumadda KMG ah ee Soomaaliya mudane Maxamed C/llaahi Maxamed oo galbta dalka dib ugu soo laabtay ayaa boqolaal dadweyne ah kula hadlay bannaanka hore ee xafiiskiisa magaalada Muqdisho.

Maxamed C/llaahi Maxamed ayaa dadka isu soo baxay oo ay haween ku jireen u sheegeen in ay is-dajiyaan isla markaana ay guryahooda u laabtaan, isagoo tilmaamay in ay jirto rajo wanaagsan.

R/wasaaruhu wuxuu uga mahad celiyay dadka dareenka ay muujiyeen, wuxuuna tilmaamay in dhawaan ay si wanaagsan u kala warqaadan doonaan hase yeeshee ay muhiim tahay in marka hore ay dadku is dajiyaan oo ay guryahooda u laabtaan.

Barxadda u dhaxeysa Xafiiska Madaxweynaha iyo midka R/wasaaha waxaa buuxiyay boqolaal dad ah oo isugu soo xoomay kaddib markii ay ogaadeen imaanshaha R/wasaaraha oo Gaariga uu saarnaa korkiisa dadka ka salaamay ka hor inta uusan hadalkaan kooban u jeedin daqiiqado kaddib.

Dadkii ayaa ka tagay goobta oo hadda cidlo ah, ciidamada ammaanka kaliya ayaana hadda ku sugan xarunta madaxtooyada iyo waliba ka soo horjeedkeeda oo uu deggan yahay R/wasaare Farmaajo.

 

 

This slideshow requires JavaScript.

 

RM.

 

Laaska News.
www.laaska.wordpress.com