Home > Somali Community in Italy, TFG Somalia > Italy:Banaanbax ka dhacay Taliyaaniga.SAWIRRO

Italy:Banaanbax ka dhacay Taliyaaniga.SAWIRRO

Sunday, June 12, 2011

Laaska News  June 12,2011

Dibadbax ballaaran oo ay soo qaban qaabisay jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool magaalaa Torino ee dalka Taliyaaniga islamrkaana lagu taageeray go’aankii ka soobaxay golaha wasiirda ayaa lagu qabtay magaaalada Torino ee wadankaasi.

Mudaharaadayaasha ayaa soo dhaweeyay in go’aannadii ka soo baxay shirkii Kampala la hor geeyo mudanayaasha Baarlamaanka oo ay ugu baaqeen in ay tixgaliyaan rabitaan ummada.

Sidoo kale dadka isu soobaxay ayaa ka soo horjeestay inuu xilka ka dago R/wasaaraha Xukuumadda iyagoona beesha caalmka ugu baaqay in ay taageero siiyaan dowladda Soomaaliyeed oo ay shacbkeedu raali ka yihiin.

Dr.Aadan Jaamac Muuse oo ka mid ahaa banaan baxyaasha ayaa tilmaamay in ay tagayaan safaaradaha ay dalalka caalamka ku leeyihiin Talyaaniga si ay ugu sheegaan rabitaankooda oo ah in la taageero xukuumadda uu hoggaamiyo R/wasaare Framaajo.

“shikii Kampala waxaa ka qayb galay beesha caalamka oo go’annada soobaxay wax ku lahayd, annagu hadda waxaa tageenaa safaaradaha dal kasta ay ku leeyihiin, waxaan rabnaan u sheegeenaa xukuumaddana annaga ayeey na matashaa” ayuu yiri Dr. Aadan.

 

Sucaad Cumar Shiikh oo ka mid ah dadka banaan baxayay ayaa R/wasaare Framaajo u sheegtay inuu xilka u hayo ummadda oo u baahan isga iyo golahiisa wasiirada.

 

 

.

RM.

 

Related Articles:

Banaan Bax Muqdisho

 

.

Somalia:R/wasaaraha oo la hadlay banaanbaxayaasha.-SAWIRRO

Somalia:Qaar ka mid ah Sawirrada mudaharaadyada Muqdisho

Somalia:sawirada banaanbaxa Muqdisho ka soconaya.

Somalia:Banaan baxyo looga soo horjeeda go’aankii R/wasaaraha oo Muqdisho ka socda

Somalia:Madaxda dalka oo heshiiyay iyo R/wasaaraha oo is casilaya

 

.

Laaska News.
www.laaska.wordpress.com