Home > SOMALI NEWS, TFG Somalia > Somalia:Dibadbaxyo lagu diidan yahay iscasilaadda R/wasaare Farmaajo oo ka dhacay Bakool

Somalia:Dibadbaxyo lagu diidan yahay iscasilaadda R/wasaare Farmaajo oo ka dhacay Bakool

Sunday, June 12, 2011

Laaska News  June 12,2011

Dibadbaxyo lagu taageerayay go’aankii ka soo baxay kulankii golaha Wasiirada ee shalay loogana soo horjeeday heshiiskii Kambala ayaa maanta ka dhacay degmooyin ka tirsan Gobolka Bakool.

Dibadbaxii ugu weynaa ayaa waxaa uu  maanta ka dhacay degmada Ceelbarde ee Gobolka Gedo,  halkaas oo ay isugu soo baxeen Boqollaal dadweyne ah oo ka careeysnaa heshiiskii Kambala ay ku gaareen madaxda Qaranka, waxeyna taageerayeen go’aankii Golaha Wasiiradda.

Guddoomiyaha degmada Ceelbarde Ibraahim Cumar dheere oo dadkaasi la hadlay ayaa sheegay in maamulka iyo shacabka gobolka Bakool ay isku raaceen in ay taageeraan R/wasaare Farmaajo maadaama uu yahay hoggaamiye daacad ah, waxayna R/wasaare Farmaajo ka dalbadeen in uusan is casilin.

Dibadbaxani ayaa qeyb ka ah dibadbaxyo maalmihii ugu danbeeyay ka dhacay gobollada dalka, kuwaas oo lagaga soo horjeedo iscasilaada R/wasaare Farmaajo.

RM.

Laaska News.
www.laaska.wordpress.com