Home > SOCIETY, SOMALI NEWS, TFG Somalia > Somalia:Dibadbax xukuumadda lagu tageerayo oo Kampala ka dhacay

Somalia:Dibadbax xukuumadda lagu tageerayo oo Kampala ka dhacay

Wednesday, June 15, 2011

Laaska News  June 15,2011
Isku soo baxani oo ay ka dhacay xarunta jaaliyadda Soomaalida ah ee wadanka Uganda gaar ahaan xaafadda Soomaalidu ay  u badan tahay ee Kisenyi ayaa waxaa ka soo qeyb galay boqolaal Soomaali ah oo isugu jiray qeybaha kala duwan ee bulshada   ku dhaqan Magaalada Kampala, waxaa halkaasi ay ku muujiyeen shucuurtooda ku aaddan sida ay u taagersan yihiin xukuumadda uu hoggamiyo Ra’isul wasaare Max’ed Cabullaahi Farmajo iyo dedaalka ay muujisay muddada yare e ay jirtay.

Dadkii isugu soo baxay hoolka shirarka ee jaaliyadda  waxaa ay wateen Calanka Soomaaliya, Sawirka Ra’isul wasaare Farmajo iyo  halkudhigyo ka turjumaya shucuurtooda iyo taageerada ay u muujinayaan xukuumadda KMG ah ee Soomaaliya.

Dadweynaha ka soo qeyb galay isku soo baxani nabadeed  waxa ay qaadayeen heeso wadani  iyo nabad jeceylka ka turjumayay, waxaana halkaasi tixo gabay ah oo dadkii ka soo qeyb galay iyo marti sharaftii qiiro galiyay ka jeediyay Abwaan Khaliif Weyne,waxaana ay dadku si qiiro leh u taageerayeen guulaha ay soo hooyeen ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya, ayagoo  kula dardaarmay in ay halkaasi ka sii wadaan guusha ay gaareen.

Marka laga soo tago gabayada iyo heesaha wadaniga ah ee halkaasi laga jeediyay waxaa khudbooyin muhiim ah jeediyay masuuliyiin ka kala socotay Jaaliyada Soomaalida ah iyo dowlada Uganda oo jaaliyada Soomaalida ah ee Uganda ku booriyeen in ay nabada kala shaqeyaan oo ay meel uga soo wada jeestaan wax waliba oo ammaanka dalka Uganda wax u dhimaya.

Madaxa  ammaanka ee magaalada Kampala ee xafiiska madaxweynaha dalka Uganda rose Kirabira oo ka mid ahaa masuuliyiintii halkaasii lagu casuumay   ayaa Soomaalida ku amaantay in ay yihiin dad nabadda jeceel marka loo eego jaaliyadaha kale ee ku nool dalka Uganda, waxay ku boorisay in ay sii wadaan isku duubnidooda iyo sidii ay qeyb uga qaadan lahaayeen nabad ku soo dabaalidda waddanka Uganda.

Sidoo kale madaxdii isku soo baxani nabadeed ka soo qeyb gasahay waxaa ka mid ahaa Taliyaha saldhiga booliska Old Kampala  Siraj Bakalika waxaana uu Soomaalida u balan qaaday in ammaankooda la adkeeyay oo aysan wax cabsi ah is galin taasi oo u muuqatay wal walka Soomaalida haya kadib qaraxii Kooxda Al Shabaab ku sheegteen in ay ka geysteen magaalada Kampala ee wadanka Uganda.

Gabagabadii waxaa isna hadal mahad celin ah iyo bogaadin ah  ka jeediyay Gudoomiyaha Jaaliyada Soomaalida Uganda Xusen Abukar Xassan oo xusay in Soomaalidu ay yihiin dad nabadda jecel isla markaana dowaladda Uganda kala shaqeynaya Sidii nabada loogu wada noolaan lahaa wadankani.

Banaanbaxani oo ku soo dhamaaday jawi nabadeed ayaa waxa ammaanka Sugayay Ciidamada Booliiska Xaafada Kisenyi ee magaalada Kampala.

 

Max’ed Ibraahim Raage -Kampala Uganda.

RM.

Laaska News.
www.laaska.wordpress.com