Home > Galmudug, SOCIETY, SOMALI NEWS > Somalia:Maleeshiyaad Ilmo yar ku dilay deegaan hoos yimaada Gaalkacyo

Somalia:Maleeshiyaad Ilmo yar ku dilay deegaan hoos yimaada Gaalkacyo

Thursday, June 16, 2011

Laaska News  June 16,2011
Maleeshiyaad hubeeysan ayaa saaka dad xoolo dhaqato ah ku dilay deegaan ka tirsan Gobolka Mudug.

Maleeshiyaadkan ayaa la sheegay in deegaanka lagu raftay oo Lixdan K.mitir konfur ka xiga magaalada Gaalkacyo, ay ku dileen ilmo  yar oo Sadex sano jir ah, iyagoo dhaawac culus u geeystay laba qofoof oo da’a ah, kuwaas oo maleeshiyaadku ku soo weerareen hoygooda isla markaana ka koobnaa hal qoys.

Guddoomiyaha Maxkamada garsoorka iyo caddaalada  degmada Bandiiradleey Macalin Salaad Cali Mire oo isagu sheegay in uu ku sugnaa markii uu falku dhacayay meel aan ka fogeeyn deegaanka dadkan lagu dilay ayaa Radio Muqdisho u sheegay, in dilkaasi ay ka danbeeyeen Laba Maleeshiyo oo hubeeysnaa, wuxuuna intaa ku daray in arintani ay la xiriirto aano Qabiil.

Todobaadyadii ugu danbeeyay ayaa deegaanno hoos yimaada Gobolka Mudug waxaa ka jiray falal amaandarri ah, oo la xiriira aano qabiil, iyadoo xakameynta arintaasina ay si wadajir ah isaga kaashanayaan Maamullada ka jira Gobolkaasi iyo qeybaha Bulshada.

RM.

Laaska News.
www.laaska.wordpress.com

Advertisements
%d bloggers like this: