Home > SOMALI NEWS, TFG Somalia, WARARKA > Somalia:R/Wasaaraha Soomaaliya Dr Farmajo oo is casiley

Somalia:R/Wasaaraha Soomaaliya Dr Farmajo oo is casiley

Sunday, June 19, 2011

Laaska News  June 19,2011
Muqdisho,SomaliaRa’iisal Wasaaraha Soomaaliya Maxmed Cabdulaahi Farmajo oo shir jaraa’id kuqabtay Madaxtooyada Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay inuu iska casilay jagadii Raysal Wasaaranimo ee uu ka yahay Jamhuuriyada Soomaaliya.

Mr. Farmajo ayaa sheegay in wadahadal kadib la sameeyay meel dhaxe in laysugu yimaado,qodobadii shirkii Kambaalana wax laga badalo oo aan marnaba aan la ogolaan wixii qaranimada wax udhimaya,isagunu uu iska casilo xukuumada.

Mr. Farmajo ayaa sheegay in Wasiiradu ay sii shaqaynayaan,hawshuna ay siisocon doonto,xilkiina uu ku wareejiyay Raiisal Wasaare kuxigeenka ahna Wasiirka Qorshaynta Prof.Cabdiwali Maxamed Cali Gaas .

Madaxweynaha Soomaaliya Sh. Shariif ayaa sii hayaha Xilka Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya u magacaabay Prof. Abdiwali

Raiisal Wasaare Farmaajo ayaa umahad naqay  ciidamada Soomaaliyeed iyo  shacabka Soomaaliyeed,sida ay umuujiyeen dareenkooda wadaninimo dibad iyo gudaba.

Mr. Farmajo ayaa sheegay in casilaadu ku timid in khilaafku istaago,iyo danta umadda Soomaaliyeed,uuna  isagu meesha ka baxo,hawshii ay umadda Soomaaliyeed uhayeena aysan istaagin.

Warar kale ayaa sheegaya in Wafdi ka yimid Uganda ay kulamo laqaateen R/Wasaaraha iyo Madaxweynahaba ayna cadaadis kusaareen Farmajo in uu xilka iska casilo,haddii ay arrintaasi dhab noqotana waxaa su’aali ka taagan tahay Qaranimada Soomaaliya iyo cidda go’aanka udambeeya leh.

Gudoomiyaha Baarlamaanka oo dalka ku soo noqday ayaa isna  la sheegay in uu kulanka isna gadaal kasoo galay.

Waxa la sugayaa waa waxa dhabta ah ee heshiiska maanta la gaaray uu noqonoyo iyo waxa iska badalay heshiiskii Kambaala waxayna soo bixi doonta maalmaha soosocda.

 

Laaska News.
www.laaska.wordpress.com