Home > PUNTLAND, SOCIETY, SOMALI NEWS > Somalia:Dableey dad ku dishay Boosaaso

Somalia:Dableey dad ku dishay Boosaaso

Monday, June 20, 2011

Laaska News  June 20,2011

Laba ruux ayaa ku geeriyootay Sadex kalena wey ku dhaawacmeen kadib markii koox kubeysan ay rasaan ku fureen goob maqaayad ah oo ku taala magaalada Boosaaso.Sida uu soo sheegay Wariyeheenna magaalada Gaalkacyo C/risaaq Maxameed Axmed, Dabley ayaa maanta goob Maqaayad ah oo ku taala Boosaaso, waxa ay ku dileen Laba nin oo ganacsato ahaa, halka Sadex kalena ay ku dhaawaceen, kadib markii ay si gaar ah rasaas ula beeegsadeen.

 

Ciidamada Amaanka ayaa la sheegay in ay goobta soo gaareen kadib markii ay baxsadeen kooxiihii falkaasi ka danbeeyay, lama oga sababta rasmiga ah ee ka danbeeysay dilka dadkaasi,  in kastoo warar aan la xaqiijin ay sheegayaan in raggaasi loo dilay aano qabiil.

 

Dilkan ayaa ku soo beegmaya xilli ciidamada Amaanku  maalmihii la soo dhaafay Magaalada Boosaaso ay ka wadeen howlgallo nabadda lagu sugayo.

RM.

 

Laaska News.

 
www.laaska.wordpress.com

 

%d bloggers like this: