Home > Faallo > Somalia:Qayb ka mid ah Khilaafyada Siyaasiinta Soomaalida iyo Fashilka Dawladnimo:

Somalia:Qayb ka mid ah Khilaafyada Siyaasiinta Soomaalida iyo Fashilka Dawladnimo:

Tuesday, June 21, 2011

Laaska News  June 21,2011
Waxaa la wada ogsoon yahay tan iyo intii ay burburtay Dawladdii dhexe ee Soomaaliya 1991dii, in la qabanayey shirar is daba joog ah oo dawlad loogu samaynayo Soomaaliya,wixii ka soobaxana aan la hirgalin,dawladii la
doortaana ay iyadu iska hor timaado oo lagu mashquulo sidii loo xalin lahaa khilaafka madaxda ugu sareysa dawladda,marka dambana ay  sidaa ku burburto.

 

Maxaa ugu wacan oo sabab u ah?

 

Haddaan si kooban uga jawaabo su’aashan, waxaa weeye:

Waa dawlado aan ku iman wax ay heshiis ku yihiin shacabka Soomaaliyeed.
Samaynta dawladaana waa mid laga soo dhiso dawladaha dariska ah,waxaana halkii Soomaali laga heshiisiin lahaa laga hormariyaa in dawlad loo dhiso.

.
Hadaad maqashid wadan hebel ayaa Soomaali lagu heshiisiiyay, badanaaba kooxo gaar ah ayaa heshiis lakala dhex dhigaa, heshiiskaas oo lagu saleeyo siday kuraasta ukala qaybsan lahaayeen.

 

Waxaadna in badan maqashaa siyaasi hebel waddan hebel ayaa wata ama waddan hebel ayaa diidan,taas oo ah arrin ninkasta oo soo maray hab dawladeed ama ku garaadsaday dawladihii  soo maray Soomaaliya uu xusuusanayo kalmadii ahayd daba dhilif,ayna ku noqonayso layaab uuna dareemayo dalku inuusan xor ahayn.

 

Waxaana la sameeyaa heshiis qodobaysan,dawladahaas ka qayb qaadanaya kulamada waxay qodobadaa ku leeyihiin qayb oo iyaga dano u ah hadday doonaana adiga dhib kuga ah.

Soomaaliya waxaa ka dhacay dagaalo sokeeye oo kusalaysnaa beelo,kuwo kooxo siyaasadeed iyo kuwo ku salaysan la dagaalanka Islaamiyiinta.
.

Hadaba waxaa kala duwan qaabkii ay Soomaali u heshiin jirtay marka uu dagaal ama dhibi dhex marto, (oo ah hab dhaqameed soo jireen ah oo ay hogaanna u ahaayeen madax dhaqameedyada, ayna ka qayb qaadan jireen culimada,wax garadka,nabadoonada Soomaaliyeed) iyo ka la leeyahay waddan kale ayaa kooxo lagu heshiisiiyay dawladna loogu dhisay.
.

Waxaa kale oo kala duwan qaabkii dawladnimo ee Soomaali taqaanay iyo ta cusub ee loo keeno iyo kuwo kusalaysan maamulo.
.

Waxayna dawladdaasi weydaa kalsoonidii shacabka,sababtoo ah dadkiiba waxa haysta oo ay maqlayaan maamulo,kooxo,iyo dad kale mana jiraan wax heshiis lagu yahay.

Waxaana shacabku isweydiiyaan waxan socda ma Soomaali ayay dan utahay mise shakhsi mise waddan kale,dagaalka meel hebla ka socda ma saxbaa mise waa khalad?

Maxaase hab dhaqameed loogu xalin waayay?
Maxaase loo la’ yahay cadaalad? iyo waxyaalo kale,meeye Culumadii,meeye madax dhaqameedyadii? meeyey wadanigii Soomaaliyeed?.

Shacab aan iyagu kalsooni isku qabin,maku kalsoonaanayaan cid kale,waana ta keentay  in lakala raaco isku dhaca madaxda dalka soo marta,kala raacaa oo isugu jira mid beeleysan,kooxo ama mid dhaqaale,khilaafkuna uu sii kordho.
.

Markaa kadib,waxaa dhacda inaysan Madaxda Soomaaliyeed aysan helin cid kalagurta haddii ay tahay maxkamad, baarlamaan , guurti  ama xeer iyo sharci ay raacaan.

.

Markay waxyaalahaasi dhacaana waxaa luma dantii guud,mid gaar iyo tii qaranka Soomaaliyeed intaba,waxaana fursad hela ciddii dano gaar ah lahayd haddii ay tahay dawlado sokeeye ama mid shisheeyaba.

.
Sida ay siyaasiinta Soomaaliyeed u kala qaybsamaan ayaa sidoo kale dawladaha dariska iyo caalamkuba iyana ukala qaybsamaan,sababtoo ah waxaa iyana kala duwan habka ay kala wataan iyo danaha ay leeyihiin, waxaadna arkaysaa dawlad taageeri jirtay siyaasi mucaarad ahaa, kasoo horjeesata marka uu xil qabto.

.

Waana ta keentay in wax walba lagu fashilmo oo cidna hawsheedu ay socon weydo,uuna qof waliba ku fashilmo.

.
Haddaba hadaad u fiirsatid dawladaha loo soodhisay Soomaaliya waxay ka dhigan tahay inqilaab la fulinayo oo aan haddana ciidan laguu ogoleyn,taladiina lagula wadaago,haddaad wax diidana umado kale oo dawladaadi ah,ama baarlamaankii, maamulada amase shacabkaagii ah lagugu kicinayo.

 

Waxaana meesha kasoo baxaysa in cid kastaa oo madax noqotaa ay fadeexad kaqaadayso.
.

Waxa kaliya oo dawladda Soomaaliya  oo caalamka la oron karaa waa ku taageeraa waa waxa ay ugu yeeraan ladagaalanka argagixisada ama Islaamiyiintu inaanay qabsan Soomaaliya,gaar ahaan koonfurta Soomaaliya.

Waxaase isweydiin leh maxaa caalamku ku taageeraa dhulka kale ee Soomaaliyeed ee nabadda ah ee lehna maamulada sida Puntland iyo Soomaaliland iyo kuwa kalaba?.
Ma jiraan hal mashruuc ama dibudhis ah oo laga fuliyay oo faa’iido uleh umadda Soomaaliyeed?

 Mase jiraan maamuladaasi waxtar ay kuqabaan dawladda Soomaaliya,maamuladuse waxtar maw geystaan dawladda Soomaaliyeed ee markaa la dhiso?

Mase kula tahay waddan aan ciidan qaran oo xoog leh lahayn in uu karaamo yeelanayo oo madaxdiisii ay ilaalinayaan dawlado shisheeye?.

Haddaba waxaad ogaataa in Soomaaliya u baahan tahay inay talo isugu noqoto hadday shacab tahay,hadday dawlad tahay iyo haddii ay mucaarad iyo maamulaba  yihiin.
.

Waxaana arrintaa uleeyahay habka dawladaha Soomaaliya loo soo dhisaa maaha nidaam dawladeed ee waa hab maxmiyadeed watana khilaaf iyo burbur aan dhamaad lahayn,waxaana kaaga filan meesha ay hadda ay Soomaali mareyso.

.

Cabdi Axmed

Laaska News.
.

www.laaska.wordpress.com

 

Related Articles:

 

Shirka Nairobi – Maxay tahay waxa kaliya ee mideeyay kooxda isugu tagtay Nairobi?