Home > News, SOMALI NEWS, Somaliland, TFG Somalia, WARARKA > Somalia:Munaasabadda qaran ee 26-ka Jun oo la xusayo caawa

Somalia:Munaasabadda qaran ee 26-ka Jun oo la xusayo caawa

Saturday, June 25, 2011

Laaska News  June 25,2011

Xaflad ballaaran oo lagu maamuusayo Munaasabadda 26-ka Juun oo ah maalintii gobollada Woqooyi ay xorriyadda qaateen ayaa caawa lagu qabanayaa magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha guddi qaran oo loo xil saaray Munaasabadaha Xornimada dalka Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa Radio Muqdisho u sheegay in qabanqaaada munaasaababadda caawa ay iminka ka soconeyso Xarunta Madaxtooyada Qaranka.

“Maadaama xaalad ay dadku socdaan magaaladana xaflado lagu dhigo aan lagu jirin dadweynuhu waxay si toos ah ugala socon doonaan xafladda munaasbadda Idaacadda iyo TV-ga Qaranka” ayuu yiri Maareeye.

Radio Muqdisho ayaa si toos ah u tabin doona caawa munaasabadda 51 guurada ka soo wareegtay maalintii qeybtii ugu horreysay ee dalka ay xorriyadda ka qaadatay gummeystihii Ingiriiska.

Sidoo kale Boggan ayaad si toos ah ugala socon doontaan munaasabadda haddii uu Alle idmo.

RM.

Laaska News.
www.laaska.wordpress.com