Home > PUNTLAND, SOMALI NEWS, Somali Prime Minister Prof. Abdiweli, Somaliland, WARARKA > R/wasaaraha iyo khudbaddii Munaasabadda xornimada-DHAGEYSO

R/wasaaraha iyo khudbaddii Munaasabadda xornimada-DHAGEYSO

Sunday, June 26, 2011

Laaska News  June 26,2011

Munaasbad ballaaran oo lagu xusayo 51-guuradii ka soo wareegtay xornimada gobollada woqooyi ee dalkeena oo ay ka qeyb galeen madaxda dalka, marti sharaf iyo dadweyne ayaa xalay lagu qabtay xarunta madaxtooyada Villa Soomaaliya ee magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha Dowladda Federaalka KMG ah mudane Shariif Sheekh Axmed, Guddoomiyaha Baarlamaanka mudane Shariif Xasan Sheekh Aaden, R/wasaaraha xukuumadda FKMG ah Dr. C/wali Maxamed Cali,  wasiirro ka tirsan xukuumaddii is-casishay, xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka, R/wasaarihii hore ee dalka Mudane Maxamed C/llaahi Maxamed, Danjirayaasha Yemen iyo Sudan u fadhiya Dalkeena iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ayaa ka qeyb galay munaasabaddaasi.

Guddoomiyaha guddiga qabanqaabada munaasabadda Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa furay xafladda, wuxuuna soo dhaweeyay martida isagoo ka sheekeeyeen xalay oo kale 1960kii sida uu ahaa dareenka dadka Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwii ku sugnaa magaalada Hargeysa ee sugayay in ay daqiiqado ama saacado kaddib ay helaan xornimadooda, wuxuu soo qaatay gabaygii Timacadde AUN ee “kanna siin kanna saar”, wuxuuna sidoo kale sheegay in dadkii Soomaaliyeed habeenkaas ay xornimada hantiyeen ay isu haddiyeeyeen wax kasta oo ay awoodi kareen “goobaha ganacsiga dhammaan waxay ahaayeen lacag la’aan, qofkuu wuxuu doono ayuu qaadanayay farxaddan darteed” ayuu yiri Maareeye.

Sidoo kale wuxuu ku nuuxnuuxsaday in dadkii Soomaaliyeed ee u dhintay ama u dhibtooday xornimada dalka aysan aqbali karin dhibaatada muddada na heysata, wuxuuna sheegay in loo baahan yahay in la midoobo si loo ilaaliyo Xorriyadda ee Awoowayaasheennii iyo Aabayaasheennii ay dhiigga u daadiyeen.

Waxgarad habeenkas o soo joogay Hargeysa ayaa munaasabadda ka hadlay, ayadoo goobta lagu soo bandhigayay Suugaanta Xorriyadda dalka ka hadlaysa iyo ruwaayad loogu magac daray “isu-Tanaasul” oo ay dhigayeen Hobollada Waaberi.

R/wasaaraha xukuumadda FKMG ah Dr. C/wali Maxamed Cali ayaa bilaabay khudbooyinka Madaxda dowladda, wuxuu umadda Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay maalinta xorriyadda, wuxuuna Alle ka baryay in sanadka dambe dhilkoo nabad ah munaasabadaha Qaran ee todobaadka ah lagu dhigo dhammaan gobollada dalka.

Khdbaddiisa R/wasaaruhu wuxuu uga hadlay arrimo badan oo xaaladda dalka uu marayo iyo halkii uu gaaray 30kii sano ee uu dowladda dhexe lahaa ay ka mid ahayd, wuxuu sheegay in magacaabiddiisu ay ku soo aadday todobaad taariikhi u ah umadda Soomaaliyeed, uuna ku faraxsan yahay, hase yeeshee wuxuu Baarlamaanka u sheegay in waxqabadkiisa uu bilaaban lahaa haddii ay ansin lahaayeen.

Wuxuu ballan qaaday R/wasaaruhu in uu ka shaqeyn doono Ammaanka iyo Midnimada dalka, isagoo intaa ku daray in danta dalka iyo dadka uu ka hormarin doono dan kasta oo gaar ah. Dadka Soomaaliyeed ayuu ugu baaqay in ay ka shaqeeyaan nabadda iyo ammaanka, isagoo u sheegay in waxa umaddu ay u baahan tahay ay tahay Midnimo iyo Daacadnimo.

HALKAAN KA DHAGEYSO KHUDBADDA R/WASAARAHA

 

RM.

 

Laaska News.
www.laaska.wordpress.com