Home > SOMALI NEWS, Somali Prime Minister Prof. Abdiweli, WARARKA > Somalia:R/wasaare C/weli oo Dekedda Muqdisho kula wareegay deeq ay soo dhiibtay Dowladda Imaaraadka-SAWIRRO

Somalia:R/wasaare C/weli oo Dekedda Muqdisho kula wareegay deeq ay soo dhiibtay Dowladda Imaaraadka-SAWIRRO

Wednesday, June 29, 2011

Laaska News  June 29,2011
R/wasaaraha Soomaaliya Dr. C/weli Maxamed Cali ayaa maanta la wareegay macaawano ay soo dhiibtay dowladda isutagga Imaaraadka Carabta.

R/wasaaraha oo markii ugu horeysay booqday Dekedda magaalada Muqdisho tan iyo markii loo magacaabi xilka R/wasaarenimo ayaa maanta la wareegay gargaar ay soo dhiibtay Dowlada Imaaraadka Caraabka, taas oo ka koobneyd raashin, dhar iyo Sadex Booyadood, oo loogu talaga dadka Soomaaliyeed ee tabaaleeysan.

R/wasaaraha oo halkaasi ka hadlay ayaa u mahadceliyay Dowladda Imaaraadka Carabta oo uu sheegay in ay xiriir wanaagsan iyo mid ganaacsi la leedahay dalkeenna Soomaaliya, isagoo ballan qaaday in Dowladdu ay sida loogu talagal u gaarsiin doonto deeqdan Shacabka Soomaaliyeed ee dhibaateeysan.

Waa markii ugu horeeysay ee R/wasaaraha Soomaamaaliya uu booqdo Dekedda Muqdisho tan iyo markii uu magacaabay Madaxweynaha Soomaaliya isla markaana Baarlamaanku uu ansixiyay maalintii shalay.

This slideshow requires JavaScript.


RM.

Laaska News.
www.laaska.wordpress.com