Home > Baarlamaanka Soomaaliya, PUNTLAND, Somaliland, TFG Somalia, WARARKA > Somalia:Khudbad uu Madaxweynuhu ujeediyay Xildhibaanada,soo bandhigidii R/wasaaraha – Q. 2aad

Somalia:Khudbad uu Madaxweynuhu ujeediyay Xildhibaanada,soo bandhigidii R/wasaaraha – Q. 2aad

Thursday, June 30, 2011

Laaska News  June 30,2011

Muqdisho,Somalia- Madxweynaha Soomaaliya Mudane Sh. Shariif oo kulan la tashi magacaabista Ra’iisal Wasaare la yeeshay xildhibaanada Soomaaliya June 22,ayaa khudbad uu ujeediyay xildhibaanada ayaa waxay ahayd qaybta 2aad  sida soo socota:

.

Khudbadii Madaxweynaha:Ka eeg  Q. 1aad

.

khilaafka, aniga ma’aaminsani, inuu khilaaf aniga  Baarlmaanka igala dhaxeeyo,xaqiiqada markaan runta ka sheego,haddana haddey cid wax tabanaysa ay jirto ama reernimo haku tabato ama qofnimo haku tabato ama si kale,waxaan diyaar u ahay inaan la hadlo oon xal wada gaarno.

Baarlamaanku aniga isagaa idoortay,isagana meesha ku joogaa,waana ku qanacsanahay inuu waajibkiisa guray.

Laakiin waxaan rabaa intaan mugdiga meesha ka bixino, yacni hawl caadi ah keenno oo socon karta ama caawinno baarlamaanka oo gacan aan siino,laakiin haddii wax lakala jiito,baarlamaanka naftigiisa meel uu talo ka dhiibo ma leh.

Intee xiran yahay hadda,mataqaanaan? Maxay ahayto fadhiga baarlamaanku intee xiran yahay? Afar bilood.

.
Afar bilood wuxuu u xiran yahay taqriiban yacni aragti siyaasadeed oo midaysan majirto.

.
Haddi la furana waxa ka imaanaya ma taqaan.

.
Marka waxaan rabnaa mashaakilka intaan banaanka ku xallinno,oo ku dhaweyno,innagoo isku meel ujeedna aan baarlamaanka tagno,hal itijaah qaadan.

.

Arinta kale ee sadexaad ee muhiimka ah waxaa waaye: Annaga Soomaali yaan nahay,khilaaf baa nalaka soo sheegaa,wax fiican nalakama sheego; wax fiican waa qabanaa lama sheego,khilaafkaa la sheegaa!

.

Markaa adduunka naftigiisu wuxuu ku socdaa inuu daalo oo yiraahdo war dadkaan! yacni Qarankooda dan kama laha miyaa? Maxaa ku dhacay?

.
Haddii la daalo oo lagaa jeestana waa dhibaatadeeda ay leedahay.

Annaga waxaan ka shaqaynayney waxay ahayd dhawrkii sano meeshaan joogney “adduunka in la soo jeediyo” oo “Soomaaliya loo soo jeediyo” waa lagu guulaystay.

Laakiin khilaafka dartiis waxa lagu socday inay sii jeestaan,marka inaan xal u helno bay ahayd.

.
Heshiiska la soo galay mar walba wuxuu imaanaayaa Baarlamaanka.Baarlamaankaa ogolaan kara,Baarlamaankaa diidi kara.

.
Saw hadda aniga waxaan idiin keenay,wax laysku waafaqsan yahay.Heshiis baa laydiin keenay,waxaad leedihiin kan masoconaayo,kan waa soconaa,kan waxaa halaga badalo,awoodaa idinkaa iska leh.

-Sacab, Sacab, Sacab –

Taasaana iiga tala galeysiin oo aan idinku taageeraa.

Markaa waa idiin mahad celinaa,cabashadiina waxaan uqaatay cabasho walaalnimo,oo aan colaadi ku jirin,oon xumaani ku jirin,kalsooni bayna isiisay.

Aad iyo aad baad u mahadsan tihiin.

Asalaamu Calaykum Wa Raxmatullaahi Wa Barakaatahu.

– Sacab      Sacab             Sacab _

 

.

Laaska News.
www.laaska.wordpress.com