Home > Somali Community in Kenya > Kenya:Munaasabadda 1da Luulyo Oo Lagu Xusay Safaaradda Soomaaliya Ee Kenya SAWIRRO

Kenya:Munaasabadda 1da Luulyo Oo Lagu Xusay Safaaradda Soomaaliya Ee Kenya SAWIRRO

Friday, July 1, 2011

Laaska News  July 1,2011

Munaasabad aad u ballaaran oo lagu xusayay maalinta xornimada gobollada koofureed iyo midowgii labada gobol ee koofur iyo woqooyi ayaa waxa ay ka dhacday xarunta safaaradda Soomaaliya ee Dalka Kenya oo dhowaan soo Gabgabowday dacwad ku saabsaneed lahaanshaha dhulka safaaradda.

Xaflada oo si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa waxaa soo qaban qaabiyay Safaarada, waxaana ka qeyb galay boqolaal Soomaalida ku nool dalka Kenya iyo marti sharaf wadamo kale kaga yimid in ay xafladaan ka qeyb qaataan, sida faanaaniinta kala ah Ustaad Axmed Naaji Sacad, iyo Saado Cali Warsame oo labadaba heeso wadani ah ka qaaday goobta, kalmadana ka jeediyay iyaga oo ammaanay dadaalka ay safaaraddu gashay soo celinta dhulka soomaaliyeed.

Sidoo kale waxaa martida ka mid ahaa xubno ka socday qaxootiga Soomaaliyeed ee ku nool xeryaha Dhadhaab oo sheegay in ay tahay markii ugu horreysay oo ay ka qeyb galaan xaflad tan la mid ah, mudo 20 sano ahna ay dagganaayeen dalka Kenya, waxa ayna uga mahadceleyeen Danjire Cali Ameeriko oo marti geleyay, kafaala qaadayna inta ay magaalada Nairobi joogaan, isla markaana dib ugu celin doono xeryahooda, markii xafladu soo gabagaboowdo.

Dhanka martida ajaanibta ah iyana waxaa kamid ahaa safiirka Talyaaniga u fadhiya Soomaaliya, iyo Safrro kale oo ka socday wadamo Soomaaliya saaxiib la ah, oo iyana aad ugu ammaanay sida ay soomaalidu ugu midoobeen in ay helaan dowlad ay u wada dhanyihiin.

Safiirka oo hadal kooban u jeediyay ka soo qeyb galayaasha ayaa aad ugu nuuxnuuxsaday arrinka qaxootiga isga oo ka codsaday dadka Soomaaliyeed ee hantida heysta in ay barbar istaagaan walaalahooda dhibaateysan, waxa uuna Illaaheey uga baryay ummaada soomaaliyeed midnimo iyo nabad waarta, oo gaarta dhamaan geyega soomaaliya.

Xafladan ayaa waxaa miisaan dheeeri ah sii siinaya goobta ay ka dhacday oo ah dhul ay soomaalida leedahay oo aan ahayn mid kira ah, walibana waqti xasaasi ah oo ay warbaahinta Kenya hadal heyso wararka ku saabsana maxkamadda iyo isku dayo racfaan oo dhanka Hididii iibsatay ka socdo.

Alinur Salad

Nairobi, Kenya

This slideshow requires JavaScript.


RM.

Laaska News.
www.laaska.wordpress.com