Home > Galmudug, News, SOMALI NEWS, Ximan & Xeeb > Somalia Dagaalo ka dhacay Konfurta Mudug oo Keenay Dhimasho iyo Dhaawac

Somalia Dagaalo ka dhacay Konfurta Mudug oo Keenay Dhimasho iyo Dhaawac

Sunday, July 3, 2011

Laaska News  July 3,2011

Wararka laga helayo Mudug ayaa kusoo waramaya in dagaal dad badani ay ku dhinteen uu ka dhacay deegaan lagu magacaabo Dhagtuure ,layskuna adeegsaday gaadiidka dagaalka.
Dagaalkan oo saaka aroortii bilawday ayaa la sheegay inuu udhaxeeyo laba maleeshiyo beeleed oo kasoo kala jeeda maamulada Galmudug iyo Ximan iyo Xeeb, ahna laba beelood oo walaalo ah, deegaan wadaagna ah.

Waxaana lagu soo waramayaa inuu dagaalkaasi istaagay duhurkii.

Warar horu dhac ah oo laga helayo deegaankaas ayaa sheegaya in dhimashadu ay gaarayso 20 qof,dhaawacuna uu aad ubadan yahay,waxaana laga cabsi qaba in dhimashada ay intaa kabadato iyadoo laga dayrinayo kulaylka qoraxda iyo goobaha caafimaadka oo goobtaa ka fog awgeedna uu keeno dhiig bax farabadan oo sababa dhimasho.

Warar kale ayaa sheegaya in dhaawacyo la kala geeyay Koonfurta Gaalkacyo iyo Magaalada Cadaado.

Ilaa hadda ma jiraan cid kala joojisay ama kala dhex gashay dadkaa dirirtu ka dhaxayso.

Dagaaladan oo ah dagaalo soo noqnoqday ayaa waxa uu inta badan u dhaxeeyay dad reer guuraa ah oo deegaan wadaag ah.

Dagaalka maanta ah ayaa la sheegay inuu daba joogo dagaal hore oo dad ku dhinteen oo dhex maray dad reer guuraa ah.

Waxaana la sheegay in shalay la dilay dad xoolo dhaqato ah oo gaaraya 11 qof.
Waxaa loogu baaqayaa labada beelood ee dagaalamaya inay dagaalka joojiyaan oo ay ogolaadaan in wixii dhexmaray lagu dhameeyo wadahadal.

1

Laaska News.
www.laaska.wordpress.com