Home > AMISOM, News, SOMALI NEWS, TFG Somalia, WARARKA > Somalia:Dalka Rwanda oo uu ka furmay kulan looga hadlayo arrimaha Soomaaliya

Somalia:Dalka Rwanda oo uu ka furmay kulan looga hadlayo arrimaha Soomaaliya

Wednesday, July 6, 2011

Kulan balaran oo looga hadlay arrimaha Soomaaliya ayaa maanta ka furmay dalka Ruwadha kaasi oo ay ka qayb galayaan saraakiisha ciidamada midoowga Afrika iyo wadamada daneeya arrimaha Soomaaliya.

Kulan ay soo qaban qaabisay dowladda Rwanda ayaa looga gol leeyahay sidii loogu guulaysan lahaa howlgalka ciidamada midoowga Afrika ay ka wadaan Soomaaliya, wargayska the New times oo ka soo baxa dalka Ruwandha  wasiirka arrimaha dibadda Ben Rutsinga ayaa sheegay sababta kulankani ay marti galineyso dowladda Ruwandha in ay tahay iyadoo si wanaagsan u taqaano ka shaqaynta ciidamada nabad illaalinta ee haatan meelo  oo calmka ka tirsan ka soconaya.

Kulanka ayaa la sheegay in uu socon doobo 6-8 bishan kaddinna laga soo saari doono waxyaabo badan oo ku saabsan howlgalka AMISOM ee Soonmaaliya.

Kulanka ayaa waxaa shir guddoomin doona madaxwaynaha dalka Ruwandha Paul kigale islamarkaana waxa la filayaa in ay ka soo qayb galaan wadamo dhowr ah oo arrimaha Soomaaliya daneeya si ay tali ugu dhiibtaan howlgalka AMISOM ee Soomaaliya.

Gudaha Soomaaliya ayaa waxaa ku sugan ciidamo ka kala socda dalalka Yugandha iyo Burundi oo kor u dhaafaya 10,000 oo askari si ay nabad Soomaaliya ugu dhaliyaan, waxaana kulanka ka dhacaya Ruwandha  lagu wadaa in ay soo baxaan istaraajiyad cusub oo xagga ciidanka ah oo wax ku soo kodhin kara AMISOM.

RM.