Home > News, SOMALI NEWS, TFG Somalia, WARARKA > Somalia:R/wasaraha oo ka hadlay xukuumadda uu soo dhisi doono-

Somalia:R/wasaraha oo ka hadlay xukuumadda uu soo dhisi doono-

Wednesday, July 6, 2011

 


R/wasaaraha xukmuudda FKMG ah Dr. Cabdi Wali Maxamed Cali  ayaa sheegay in xukuumadda uu soo dhisi doono ay  noqon doonto mid kooban oo lagu soo xuli doono karti, aqoon iyo in ay u diyaarsan yihiin soo celinta qaranimada Soomaaliyeed.

Mudane Cabdi Wali Cali Gaas ayaa tilmaamay in ay xukuumaddiisa ay muhiimadda koowaad  iyo tan labaad  ay siin doonto ammaanka sidii loo sugi lahaa, isagoo hoosta ka xariiqay in ay la dagaalami doonaan musuq maasuqa iyo IWM, waxa uu intaa ku daray in ay wanaajin doonaan xiriirka waddamada dibadda ay la leedahay dowladda Soomaaliya.

.
R/wasaaraha  ayaa dhinaca kale ka hadlay in ay si wanaagsan ula shaqayn doonaan dhamaan hay’adaha dowliga ah, gaar ahaan Baarlamaanka oo uu ku sheegay in waajib ay tahay in la wada shaqeeyo, isagoo intaa raaciyay in haddii aan la wada shqeyn aan la gaari karin hadafkii la lahaa.

Mudane Cabdi Wali ayaa dhinaca kale ka hadlay howl galladii ay ciidamada dowladda wadeen in ay sii socon doonaan goor dhowna uu bilaaban doono istaraajiyad cusub oo lagula dagaallamayo Khawarijta Shabaab iyo kuwa la jaalka ah ee Al-Qaacidda, si shacbiga Soomaaliyeed ay ugu noolaadaan nabad, isagoo farta ku fiiqay in ay dagaallada sii dheer yihiin abaaro saameeyay gobollada dalka, dadkii  ka so bara kacayna ay xukummaddiisa dib u dajin u sameyn doonto. Iyadoo  la dhameystiri doono Dastuurka dalka si looga gudbo KMG.

Ugu danbeytii R/wasaaraha Soomaaliya ayaa shacabka Soomaaliyeed u sheegay in ay wax ku bartaan labaatankii sano ee la soo dhaafay sida ay wax noqdeen, haddana looga baahan yahay in ay gacamaha is qabsadaan isamarkaana ay dowladdooda  la shaqeeyaan oo ay garab istaagaan.

RM.

Advertisements
%d bloggers like this: