Home > News, SOMALI NEWS, Somaliland, WARARKA > Berbera: Markab ay leeyihiin Ciidanka Badda ee Britain oo ku xirtay Dakedda & Siilaanyo lagu marti qaaday dushiisa

Berbera: Markab ay leeyihiin Ciidanka Badda ee Britain oo ku xirtay Dakedda & Siilaanyo lagu marti qaaday dushiisa

Thursday, July 7, 2011

Laaska News July 7,2011
Markab dagaal oo uu leeyahay Ciidanka Badda ee waddanka Britain ayaa kusoo xirtay dekadda magaalada Berbera si aan la sii shaacin,waan markii ugu horreysay ee markab dagaal oo ingiriis kusoo xirto dekedda Berbera tan iyo intii ay dhacaday dawladdii dhexe ee Soomaaliya 1991.
Waxaa markabka korkiisa lagu martiqaaday Madaxweynaha Soomaaliland Mr.Axmed M.Siilaanyo,masuuliyiin kale oo ay kamid yihiin Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo qaar Saraakiisha sare ee Ciidamada ah.

 

Haddaba ujeedada rasmiga ah ee uu uyimid markabkan dagaal kuna soo xirtay  dakedda Berbera ayaan wax badan laga ogayn,ilaa haddana ma jiraan war rasmi ah oo ka soobaxay dhinaca soomaaliland iyo dhinaca Ingiriiskaba,marka laga reebo wariyaha BBCda oo Wasiirka A.Dibadda Somaliland kasoo xigtay in ujeedada uu markabkani ugu soo xirtay Dekedda Berbera ay tahay 3 ujeeddo oo kala ah:

 

Booqasho Sharafeed Boqortooyada Britain ay ku sharaftay Somaliland xiriirka soo jireenka ah ee ka dhaxeeyay.
Ta labaad buu yidhi inay doonayaan inay kawada hadlaan labada dhinac sidii Britain kaalmo iyo tababar xagga difaaca Badda  ah iyo la dagaalanka burcad badeedka ah ay fidin lahayd iyadoo saraakiil ciidanka Badda ee Britain ay fuushan yihiin inta Qadada ah lagu wada hadlaayo.
In Soomaaliland loo muujiyo inay tahay meel nabad ah oo bulshada caalamka kala shaqayn karta Sida Wasiirka A. Dibadda M. A Cumar  hadalka u dhigay arrimo badan oo uusan faah faahin laakiin.

 

Halkanna ka eeg warar kale:
 

Top UN legal official outlines judicial options to fight piracy off Somalia – UN News

Laaska News.

http://www.laaska.wordpress.com