Home > News, SOMALI NEWS, TFG Somalia > Somalia:R/wasaaraha oo Kenya aaday

Somalia:R/wasaaraha oo Kenya aaday

Friday, July 8, 2011

Laaska News  July 8,2011

 

Somali PM Prof. Abdiweli

R/wasaaraha Xukuumadda FKMG ah Dr. C/wali Maxamed Cali iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta ka ambabaxay dalka Soomaaliya, ayagoo ku sii jeeda magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya.

Sarkaal ka tirsan Xafiiska R/wasaaraha ayaa Radio Muqdisho u sheegay in R/wasaaruhu uu Nairobi kula kulmi doono masuuliyiin ka tirsan Qaramada Midobay iyo Safaarada Caalamka.

Diyaaraddii sidday R/wasaaraha iyo wafdigiisa ayaa ka duushay garonka diyaaradaha Aadan Cabdulle ee magaalada Muqdisho.

R/wasaaraha ayaa dhinacyadaan kala hadli doono xaaladda dalka Soomaaliya iyo abaaraha ka jira waddanka sida ay calamku gacan uga geysan karaan, ayadoo sidoo kale R/waasaaruhu uu kulamo wada tashi ah la qaadan doono masuuliyiinta dowladaha gobolka.

 

Warka  la xiriira R/Wasaaraha:

July 7, 2011

R/wasaaraha oo qaabilay Hay’adaha Qaramada Midoobay

R/wasaaraha xukuumadda FKMG ah Dr. C/wali Maxamed Cali ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socda hay’adaha Qaramada Midoobay ee ka shaqeeya gargaarka Baniaadamnimo.

Xubno ka socda hay’adaha UNHCR, UNOCHA iyo WFP ayaa kulan la qaatay R/wasaaraha kaas oo ku aaddanaa sidii dadka Soomaaliyeed ee dhibaateysan gargaar loo gaarsiin lahaa.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda arrimaha gudaha Ibraahin Isaaq Yaroow oo Radio Muqdisho wareysi siiyay caawa ayaa sheegay in R/wasaaruhu uu hay’adaha Qaramada Midoobay ka codsaday in ay kaalmo la soo gaaraan kumanaan qofood oo ku dhibaateysan magaalada Muqdisho iyo qaar kale oo abaaruhu ay ku hayaan gobollada dalka.

Wafdigaan ka socda Qaramada Midoobay ee kulanka la qaatay R/wasaaraha ayaa tilmaamay in ay kaalin ka geysan doonaan hay’adaha UN-ku dadaalka lagu badbaadinayo dadka Soomaaliyeed ee ay abaaruhu saameeyeen.

RM.

Laaska News.
www.laaska.wordpress.com

%d bloggers like this: