Home > News, PUNTLAND, SOMALI NEWS, TFG Somalia, WARARKA > Somalia:R/wasaaraha oo dalka ku soo laabtay-WAREYSI+ SAWIRRO

Somalia:R/wasaaraha oo dalka ku soo laabtay-WAREYSI+ SAWIRRO

Sunday, July 10, 2011

Laaska News  July 10,2011
R/wasaaruhu uu xalay kulan la qaatay madaxweynaha maamulka Puntland C/raxmaan Faroole.
R/wasaaraha xukuumadda FKMG ah Dr. C/wali Maxamed Cali ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay kaddib safar shaqo uu lama maalin ku joogay magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya.

Dr. C/wali ayaa sheegay in safrkiisu uu ku saabsanaa wasiirka arrimaha dibadda ee Ingiriiska Wlliam Hake oo ka codsaday in uu kula kulmo Nairobi si ay uga wada hadlaan arrimo badan oo ku saabsan xaaladda dalka iyo xiriirka labada gobol. Wuxuu sheegay in kulankaasi kaddib uu shirar la yeeshay wakiilo ka socda Yurub iyo Qaramada Midoobay.
R/wasaraha oo wareysi kooban siiyay Radio Muqdisho ayaa sheegay in Ergayga gaarka ah ee Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Dr. Agostine Mahiga uu kala hadlay arrimo ay ka mid yihiin shirka wada-tashiga ee dhawaan la filayo in lagu qabto magaalada Muqdisho, ayadoo todobaadkaan ay wafdi heer sare ah ay imaan doonaan Muqdisho.

Danjirayaal dalalka caalamka qaarkood u fadhiya dalka Kenya ayaa ka mid ah dadkii uu R/wasaaruhu la kulmay kuwaas oo uu kala hadlay xaaladda Bani’aadamnimo ee ka jirta waddanka, isagoo R/wasaaruhu uu xalay kulan la qaatay madaxweynaha maamulka Puntland C/raxmaan Faroole.

 

This slideshow requires JavaScript.

RM.

Somalia:R/wasaaraha oo la kulmay Wakiilo ka socda Qaramada Midoobay iyo Beesha Caalamka

Somalia:R/wasaaraha oo Kenya aaday
Laaska News.
www.laaska.wordpress.com

%d bloggers like this: