Home > Baarlamaanka Soomaaliya, News, SOMALI NEWS, TFG Somalia, WARARKA > Somalia:Baarlamanka oo ansixiyay heshiiskii Kambaala SAWIRRO

Somalia:Baarlamanka oo ansixiyay heshiiskii Kambaala SAWIRRO

Monday, July 11, 2011

Laaska News  July 11,2011
Mudanayaasha Baarlamanka Soomaaliya oo maanta kulan ku yeeshay xarunta Golaha Shacabka ayaa cod aqlabiyad leh ku ansixiyay heshiiskii madaxda Qaranku ay ku gaareen magaalada Kambala ee xarunta dalka Ugandha.

Kulankii maanta oo ay soo xaadireen ilaa 436 mudane ayaa waxaa heshiiskaasi Ansixiyay 393 xildhibaan, 36 mudane ayaa diiday halka 7 ay ka aamuseen, sida uu ku dhawaaqay Afhayeenka Baarlamanka Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Kulanka Baarlamanka ee maanta ayaa ku soo dhamaaday jawi aad u wanaagsan iyadoo cod aqlabiyad leh lagu ansixyay heshiiskaasi, waxaana taasi meel mar ka dhigeeysaa heshiiskii Kambaala ay ku soo gaareen madaxda Qaranka, kaas oo ka koobnaa Toban qodab.

Maalintii shalay ayeey aheyd markii Madaxweynaha Soomaaliya Sh. Shariif Sh. Axmed iyo R/wasaare C/weli ay ka qeybgaleen kulankii Baarlamanka ee shalay iyagoo mudanayaasha u sharaxay muhiimadda heshiiskaasi kana codsaday in ay Ansixiyaan heshiiskaasi.

 

 

 
RM.

Related Articles:

Somalia:Shir Baarlamaanka oo looga doodayey hishiiskii Kambala oo soo dhamaaday (Sawirro)

Somalia: Security Council calls for inclusive and comprehensive peace strategy

Somalia: The Kampala Accord

 

Somalia:Somali PM announces resignation

Somalia:With new Prime Minister in place, UN urges Somalis to move forward on transition – UN News

News Analysis: Kampala Accord exposes new Somali political reality

 
Laaska News.
www.laaska.wordpress.com

%d bloggers like this: