Home > TFG (A+), TFG Somalia, WARARKA > Somalia:SONNA oo dib loo howl galiyay(Sawirro)

Somalia:SONNA oo dib loo howl galiyay(Sawirro)

Wednesday, July 13, 2011

Laaska News  July 13,2011

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Boostada iyo Isgaarsiinta ee Xukuumadda KMG Soomaaliya ayaa maanta si rasmi ah xarigga uga jaray Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA oo dib loo howl galiyay.

Mudane C/kariin Xasan Jaamac oo hadal ka jeediyey musaabadda xarigga looga jarayey ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay howsha ay wakaaladdu qabato, waxaana uu u rajeeyey Wakaaladda SONNA in ay noqoto xarunta kaliya ee laga qaato wararka dowladda Soomaaliya.

Wasiirka  ayaa sheegay in markale goor dhaw dib loo kicin doono Website-ka Wakaaladda SONNA oo maalmahaan dambe howlo ballaarin ah ku socoto, waxaana uu kula dardaarmay howlwadeenada Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed ee SONNA in ay sii labo jibaaraan howlaha shaqo  ee ay Wasaaradda u hayaan.

Mudane C/kariin Xasan Jaamac ayaa warbixin ka dhageystay Maryan Maslax Axmed oo ah madaxa Wakaaladda SONNA oo uga warbixisay howsha Wakaaladda iyo shaqaalaha ka howlgala.

Sidoo kale waxa uu wasiirku warbixin kooban oo ka hadlaysa taariikhda la aasaasay iyo marxaladihii kala duwanaa ay soo martay Wakaaladda tan iyo burburkii dowladdii dhexe ee Soomaaliya ka dhageystay Webmaster-ka SONNA Max’ed Macalin Xasan White-ka oo halkaasi warbixin kooban ka jeediyey, iyadoo ugu dambeyn qaybaha afafka qalaadna ay wasiirku u gudbiyeen howlahooda shaqo oo ay ugu horeyso wararka Carabiga iyo Ingiriiska oo wakaaladdu ay ka baahiso Raadiyaha.

Wakaaladda Wararka ee SONNA oo la aas aasay 5-tii Janaayo ee sanadii 1964-tii ayaa waxa ay soo martay marxalado kala duwan, iyadoo haatan ay ka howlgalaan shaqaale qeybaha wakaaladdu ka kooban tahay, waxaana dib loo howl galiyey bishii September ee sanadkii 2010-ka.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

PHOTO BY: Abdirahim Adde

RM.

 
Laaska News.
www.laaska.wordpress.com