Home > Galmudug, News, SOMALI NEWS > Somalia:Caalin oo magacaabay Wasiirada Galmudug

Somalia:Caalin oo magacaabay Wasiirada Galmudug

Thursday, July 14, 2011

Laaska News  July 14,2011

Madaxweynaha maamulka Galmudug Maxamed Axmed Caalin ayaa maanta magacaabay qaar ka mid ah Wasiirada maamulkaasi, kaddib markii dhawaan uu kala diray golihii wasiirada maamulkaasi.

Caalin ayaa Wasiirka qorsheynta u magacaabay Maxamed Calinuur Xaaji, halka wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Galmudug uu u magacaabay  Abshir Diini Cawaale.

Sidoo kale Maxaweynaha Galmudug ayaa Maaliyadda iyo ganacsida u magacaabay  C/llaahi Jaamac Shire, ayadoo  Caafimaadka iyo Xanaanada Xoolaha uu u dhiibay Xuseen Sheekh Nuur.

Maalinta axadda ah ee soo socota ayuu sheegay Caalin uu dhammeystiri doono xubnaha ka maqan golahaan.

RM.

Laaska News.
www.laaska.wordpress.com