Home > SOCIETY, SOMALI NEWS, TFG Somalia > Somalia:Guddiga Gurmadka Abaaraha Qaranka oo Account u furay kaalmada dadka soo barakacay.

Somalia:Guddiga Gurmadka Abaaraha Qaranka oo Account u furay kaalmada dadka soo barakacay.

Thursday, July 14, 2011

Laaska News  July 14,2011

 

(War Saxafadeed 135/11 – Mogadishu, July 14, 2011)

Guddiga Qaran ee Gurmadka Abaaraha ee Dowladda FKMG ah ayaa Xisaab (Account) u furtay dadka Soomaaliyeed ee abaaruhu ay barakiciyeen si loogu shubo dhqaalaha ay dadka iyo dowladdu ugu talo gashay in lagu caawiyo. Xisaabtan oo lacagta ku soo dhacda sida ay tahay loo gaarsiin doono dadka mutaystay ayaa Accont-kaas oo laga furay Bangiga Dhexe iyo Shirkadda Xawaaladda Dahabshiil waxaa maamulaya guddiga Gurmadka abaaraha ee Heer wasiir. Xisaabaha loo furay in dadku ay taageeradda ugu soo hagaajiyeen dadka dhibaataysan ee soo barakacay waa kuwa hoos ku cad:

A)        Xisaab Dollar Maraykan     #750:             Bankiga Dhexe ee Soomaaliya – Muqdisho.

B)        Xisaab Shilin Soomaali       #749:              Bankiga Dhexe ee Soomaaliya – Muqdisho.

C)        Xisaab Dollar Maraykan  # 8495:         Xawaaladda Dahabshiil.

Dowladda FKMG ah ayaa Accont-kaas ku shubtay $500,000 Shan boqol oo kun oo Dollar oo qeyb ka ah dhaqaale ay ugu talo gashay in lagu badbaadiyo dadka ay abaartu saameysay.  Sidoo kale waxaa deeq lacageed oo dhan $10,000 doollaar bixiyey Ciidamadda Xoogga Dalka Soomaaliyeed. Waxaa iyagun deeq $5,000 oo dollar bixiyey Ciidamda Nabadsugidda Soomaaliyeed. Dhinaca Soomaalida Qurbajoogta ah, waxaa Wasaaradda Maaliyadda ee dawladda Soomaaliyalagu soo gaarey lacag dhan $5,000 doollar oo ay soo ururiyeen gadhaha jaaliyadda Soomaliyeed Bristol, UK.

Dadka tabarrucaadka bixinaya waxaa laga codsanayaa in ay E-mailkan gargaar@opm.gov.so ku soo diraan fariin sheegaysa lacagta ay soo direen tiradeeda iyo magaca cidda soo dirtay si loo daba galo, loona hubiyo in ay gaartey dadkii loogu talagalay. Waxaa sidoo kale la idiin soo diri doonaa fariin ku aaddan in taageeradiinii la helay.

Mahadsanidiin

Guddiga Gurmadka Abaaraha Qaran,
RM.
Laaska News.
www.laaska.wordpress.com